Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac Ah oo Ka Dhashay Iska Hor-imaad Dhexmaray Ciidamo Liyuu Boolis Ah iyo Dad Shacaba

0
735

Jigjiga (Hargeisa Press)-  Dad Shacab ah iyo Askar ayaa ku dhaawacmay rabshado ka dhacay gobolka Shabeelle ee dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Wuxuu isku dhaca ka bilowday Ciidamada Liyu Booliska oo hor istaagay dad shacab ah oo doonayay inay deegaano sameystaan.

Qalalaasahan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Laab oo ka tirsan gobolka Shabeelle, waxaana soo baxaya cabasho ay qabaan dadka shacabka ah iyo ciidankaba.

Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay Ciidamada Liyu Booliska inay awood xad dhaaf ah u adeegsadeen dadkii halkaa tuulada ka samaystay,

Balse taliyaha ciidankaasi Janaraal Maxamed Axmed Maxamuud ayaa sheegay in ugu yaraan 10 Askari deegaankaasi lagaga dhaawacay.

Taliyaha ayaa sheegay in shaqaaqadu ka dhalatay deegaan cusub oo la dhisayay, taasi oo ka soo horjeedda, sida uu sheegay, amar ay hore u soo saareen.

“Kililka in aan deegaan cusub laga sameyn ayaa loo sheegay, awaamiir ayaa la bixiyay meelo badan ayaa la dumiyay, marka dadkii meesha laga dumiyay ayaa dad kale soo kiciyay oo ay leeyihiin qasab ku daga,” ayuu yidhi Janaraal Maxamed.

Sarkaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dadka ay isku dhaceen booliiska ay doonayeen in magaalo cusub oo aan hore u jirin sameeyaan.

“Meel cidlo ah oo hadda ka hor an magaalo ahayn ayaa la raadinayaa, Laab umbaa la leeyahay laakin way ka fogtahay, waa meel baadiye ah oo aan waligeed la dagin”, ayuu yidhi.

Janaraal Maxamed Axmed Maxamuud ayaa waxa uu beeniyay eedeynta ah in ay booliiska tacadiyo geysteen, waxa uuna taas baddalkeeda sheegay in booliiska qudhooda waxyeello weyn loo geystay.

“Ciidanka naftiisa ayaa tacadi loo geystay taasoo ah mid cad, oo aannu ruux kasta tusi karno, adduunkana aannu tusnay, cid kasta oo meesha tagtana way ogaan kartaa, hay’ad kasta oo warbaahin ah inta ay tagto way soo xaqiijin kartaa.” ayuu yidhi.

Dhanka kale wuxuu sheegay in ayna ciidamada wax awood xad-dhaaf ah adeegsan islmarkana ay ulo u isticmaalayeen kala ceydhinta shacabkii soo baxay, balse dhagax tuur loogu jawaabay, shan askarina laga dhaawacay.

“Arrinta sida dhabta ah marka loo sheego shalay waxay ciidankan adeegsan jireen waa la ogyahay, laakiin maanta ul bay adeegsadeen, markii toori iyo dhagax lala dhacay ul bay iyagu ku ekaayeen, ushaa dad ay ku dhacday laga yaabaa laakin hal xabbad oo nin booliis ah uu riday oo ruux shacab ah ku dhacday ma jirto”.

Shacabku maxay ka dhaheen dhankooda?

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa ciidanka Liyu Booliska ku eedeeyay inay “dhibaato weyn u geysteen” dad shacab ah oo ku sugan magaalada Laab.

Axmed Macallin Cabdullaahi, oo ka mid ah odayaasha Laab ayaa sheegay in dad rad rayid ah ay ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen “weerar ay qaadeen” ciidanka Liyu Booliska.

“Ciidanka Liyu booliska ee dowlad deegaanka ayaa si arxan darro ah ula dhaqmay dadkii ku sugnaa magaalada Laab ee gobolka Shabeelle, tacaddi farabadan bay u geysteen, nin ka mid ah dadka wuu dhintay, oo xabad baa madaxa lagaga dhuftay, lixdan iyo dhowr qofna way dhaawacmeen, kuwaasoo 35 ka mid ah ay garaab yihiin”, ayuu yidhi Axmed.

Hase ahaatee wuxuu beeniyay in shacabku ay tacaddi dhankooda ah ku sameeyeen ciidanka.

“Eedeynta ay noo jeediyeen waxba kama jiraan. Qof walba wuu garan karaa in shacab aan hubeysneyn oo masaakiin ah, oo ganacsato ah ayna ka hortagi karin ciidankii deegaanka oo hubeysan. Dadkan 11 sano ayey hore u daganaayeen meeshan, wax dhib ah oo ay hore u geysteenna lama sheegin”.

 

Hargeisa Press.com/Jigjiga Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here