Khabiir Ka Socda FIBA Oo Hargeysa Soo Gaadhay & Wasaaradda Ciyaaraha Oo Soo Dhaweysay + SAWIRRO

0
1198

Hargeysa, (HargeisaPress) —Sarkaal darajo sarre leh oo ka socda xidhiidhka kubadda koleyga adduunka ee FIBA ayaa maanta dalka soo gaadhay, waxaana ujeeddada socdaalkiisu ay tahay qiimeyn iyo xaqiiqo raadis uu ku sameyn doono ciyaarta kubadda koleyga Somaliland.

 

Mr. Lubomir Kotleba  oo ah La-taliyaha Xoghaya guud ee xidhiidhka kubadda koleyga adduunka FIBA, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Cigaal ku soo dhaweeyay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda  koleyga Mr. Maxamuud Xasan Cabdilaahi (Qodax) iyo Agaasimaha waaxda Qorsheynta ee wasaaradda ciyaaraha Mr. Cabdirashiid Ceydiid Yaasiin.

ciyaya 3

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta aan yimaado dalka Somaliland oo aan u kuur-galo xaaladda Sports, gaar ahaan kubadda koleyga oo metalaya xidhiidhka kubadda koleyga adduunka FIBA. Sidoo kale waxaan idiinka mahad-celinaya sida quruxda baddan ee aad ii soo dhaweysayn, waxaan rajeynayaa inaan wax ka sii qurux baddana aan Somaliland kala kulmi doono muddada kooban ee aan joogayo” ayuu yidhi Mr. Lubomir Kotleba.

ciyaya 5

Sarkaalkan oo u dhashay wadanka Slovenia ayaa muddo saddex cisho ah ku sugnaan doona dalka, isaga oo ka soo shaqeeyay wadamo baddan oo adduunka ah, waxaana isla galabnimadii Maanta isaga oo ay weheliyaan masuuliyiinta wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhka kubadda koleygu uu koormeer indha-indhayn ah uu ku tegay saddex garoon oo kubadda koleyga ah, kuwaas oo kala ah garoonka SOCSA ee hablaha, Timacade iyo Axmed Gurey. Guddoomiyaha xidhiidhka koleyga Mr. Qodax ayaana si gaar ah waxa uu faah-faahin uga bixiyay xaaladdaha kala duwan ee ay haatan ku sugan yihiin garoomaddu, baahiyaha iyo caqabadaha ku xeeran.

ciyaya 6

 Mr. Lubomir Kotleba ayaa aad ula dhacay horumarka dhanka kubadda koleyga Somaliland, waxaana uu xusay inuu aad ugu boggay farsamadda iyo qaab ciyaareedka ciyaartoydii uu kula kulmay garoomadda uu booqday, gaar ahaan garoonka Hablaha ee SOCSA, waxaana uu ku bogaadiyay Haldoorad Khadra Kaliil doorka ay ka qaadatay in habluhu kubadda koleyga bartaan oo ay ciyaaraan.

ciyaya 4

Ugu dambeyntii, Mr. Lubomir Kotleba ayaa sheegay inuu FIBA u gudbin doono wixii uu ku soo arkay Somaliland ee ku saabsan kubadda koleyga, waxaana uu hoosta ka xariiqay in wixii codsi ah ee ku aadan horumarka koleyga uu sidoo kale uu hor-dhigi doono Xoghayaha xidhiidhka kubadda koleyga adduunka.

CIYAAAQQ

ciyaya 7

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here