Kenya oo Ku Hanjabtay Inay Joojin Karto Duulimadyada Bani’adanimo Ee Soomaaliya

0
977

Nairobi (Hargeisa Press) – Dowladda Kenya, ayaa uga digtay hay’addaha Qaramada Midoobay, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay joojin doonto dhammaan duulimaadyada Soomaaliya.

Kenya, ayaa duulimaadyada Soomaaliya hakisay muddo saddex bilood ah 11-kii May, hase yeeshee waxay ka reebtay duulimaadyada caafimaad iyo kuwa gargaarka bani’aadannimada.

Si kastaba, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya oo qoraal cusub soo saartay, ayaa ku eedeeysay hay’addaha QM, Ururada Caalamiga ah iyo Howlgallada Diblomaasiyadeed inay si qaldan u adeegsadeen fasaxii la siiyay, oo ay arrimo siyaasadeed u adeegsadeen duulimaadyada, kuna xadgubeen ogeysiiska lagu joojiyay duulimaadyada.

Wasaaradda, ayaa uga digtay hay’addahan in duulimaadyada bani’aadannimo ay tahay in loo adeegsado arrimo bani’aadannimo oo kaliya, haddii kale ay gebi ahaan joojin doonto duulimaadyada Soomaaliya

Sarkaal Soomaali ah oo magaciisa qariyay waxa uu arrintan ku tilmaamay tallaabo ay Kenya ku cadaadinayso diblomaasiyiinta, inkasta oo aanu bixin faah-faahin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here