Kenya iyo Uganda oo dhex-dhexaadinaya Itoobiya iyo Soomaaliya

0
1353

Arusha (Hargeisa Press)- Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, ayaa sheegay in isaga, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada hadli doonaan si loo yareeyo xiisadda ka jirta Geeska Afrika.

William Ruto, ayaa sidan ka sheegay mar uu ka hadlayay Shir Madaxeedka 24-aad ee Caadiga ah ee Madaxda dalalka xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ku beegan sanad-guuradii 25-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii EAC.

“Madaxweyne Museveni, aniga, Walaalkay Xasan Sheekh, iyo Ra’iisal Wasaare Abiy, waxa aan qorsheyneynaa in aan kulan yeelanno, si aan sidoo kale ugu yareyno xiisadda hadda ka taagan Geeska Afrika,” ayuu Madaxweyne Ruto yidhi isagoo ka hadlayay shirka ka socda magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

“Maxaa yeelay, nabadda Soomaaliya, xasilloonida Soomaaliya waxa ay si mug leh qeyb uga tahay xasilloonida gobolkeenna,” ayuu sii raaciyay.

Ruto ma sheegin goorta iyo halka uu kulanku ka dhacayo.

Tallaabadan, ayaa noqonaysa isku-daygii u danbeeyay ee lagu doonayo in lagu dhammeeyo xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee 1-dii Janaury Addis Ababa ay ku gaadheen Itoobiya iyo Somaliland.

Dhowr wareeg oo wadahadal ah oo labada dal ku dhexmaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa fashilmay.

Sida ku cad heshiiskii 1-dii Janaury, Somaliland waxa ay oggolaatay inay 20 kiiloomitir (12 mayl) oo xeebteeda ah muddo 50 sano ah ka kirayso Itoobiya oo doonaysa inay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi.

Taas beddelkeeda, Somaliland waxay sheegtay in Itoobiya ay siinayso aqoonsi rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here