Ka Bixida Midowga Yurub Ee Ingiirskka Waxay Abbuuri Doontaa Saaxiibo Cusub Iyo Madax Banaanida Masraxa Adduunka!!!! W/:-Q MAXAMUUD CARAB CABDI (SABUUB)

0
1021

Go,aankii fajacisada  lyo layaabka ahaa ee ka bixitaanka ingiriiska ee midowga yurub ayaa dhanka kalana waxa uu mahadho badhaadhe farxadeed oo lama fillaana  uu ku noqday ruushka .

 

Maxsuulkii  kasoo baxay aftidii loo qaaday in ingiriisku uu kasii mid ahaado midowga yurub iyo inkale ayaa siddo kale  muujinaysa  aragti ama sohdi kamida wadooyinka uu ruushku  ugu hammuun  Qabo Qaab siyaasadeed difaacaya   cunaqabatayntii  dowladda Ruushka  hore u saarnaa fursad iyo  taageerayaal badan uu u helli karo.

 

Madaxda ruushku waxay u arkaa arrinta ka bixitaanka ingiriiska ee midowga yurub mid ay ku   helli doonaan  dabacsanaan dheeraad ah iyo in xidhiidhka laba geesoodka ah ee ay Dawladaha ruushka iyo ingiriisku ay dib uga wada xaajoonayaa arrimo badan oo labada dhinac muhiim u ah sidda ariimaha  xaalada ukrakn iyo siyaasada tamarta , dhaqaalaha iyo Ganacsiga.

 

Xidhiidhka  Ruushka iyo  ingiriiska ayaa marar badan dhaawac soo gaadhay  tan iyo bilowgii qarnigii 21aad ,  waxay labada dal ay siin kartaa  xorriyad  siyasadda oo  badan iyada oo labadaba dal ingiriiska iyo ruushkuba ay ka caawin doonto xidhiidh dhow oo ay yeeshaan labada dal, iyada oo aan la yaraysan karrin   awooddaha  Berlin iyo Paris , kaas oo u muuqda in  guntiga ay kusii giijiyaan cunaqabataytii hore loo saaray ruushka.

 

 

fursadaha siyaasadda arrimaha dibadda haddi biritin ay  yurub ka hulleeshay Ruushku waxa uu fursad u helli doonaa  awooda  Qaybsantay ee yurub si gaarana indhaha  ayuu ugu hayay aftidaasi , sababta oo ah ingiriisku waa  mid ka mid ah coddadka ugu adag ee Yurub , waxana laga yabaa in ay ingiriiska iyo ruushku ay  si lama filaan ah u noqondaan  saaxibo cusub

 

“fursadaha suurto galka noqon kara muddo gaaban , laakiin qofna mudada dheer ma ogaan karro  waxa ay  Noqon doonaan”

 

codka Biriitin waxa uu ahaa muhiim gudaha midowga yurub  waayo cadaadis wadamada yar yar ayaa saarnaa, wadamada yar yari waxay ka xumaan doonaan go,aanka ingiriiska  waana sababta uu ugu baahnaanayo saaxiibo cusub oo iskaashi dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ay wada yeeshaan  fursadaasina waxa uu ka  helli doona Ruushka,

 

Ruushka iyo Ingiriisku  waxay doonayaan inay  ka ciyaaraan door muuqda iiyo  kaalin dheeraad ah oo madax-bannaan masraxa adduunka  ee dhaqaalah iyo Ganacsiga iyo siyaasada ,iyaga oo eegaya Korodhka wax soo saarka guddah (GDP) iyo Iibsayiga /Gadashada sinnaanta awooda (PPP)  guud ahaan dunida ku oo ku salaysan PPP iyo GDPiyadoo Ingiriiska lagu Qiyaasay ( 3.30 % iyo 2.41 % ) .Halka Ruuska uu gaadhay, ( 3,36 % iyo 3,82 % )

 

Iyadoo saadashu sheegayso in ay adagtahay waxa ay noqon doontomustaqbalka hadana waxay u baahantahay ka fiirsi dheeraada  ah , xawaaraha  Caalamiyeynta iyo heerka tartanka  si ay dunida casriga ah doorkooda dhaqaale uga Qaataan labadan dal ingiriiska iyo ruushku

 

Haddii  ay dhacdo codad  ka dhan ah  UK xubnaha Golaha  Midowga Yurub , waxay yeelan doontaa saamaynteeda dhinaca suuqa Yurub, maxaa yeelay, inkastoo uu isfaham siyaasadeed ka dhacay Brussels, ganacsiga biritin  ayaa ka mid ahaa doona kuwo  waafaqsan nidaamka ganacsiga xorta ee Yurub.

 

Waxaa sabab u ah saamaynta ingiriisku uu  dib u habaynta  ku yeesshay iyo waxa la fulliyay oo dhan afartii sano ee la soo dhaafay  taas oo ka dhigaysa  suuqa Yurub ka fiican marka loo eego xeerka, miisaaniyada, cimilada maalgashiga iwm .

 

dhismaha xiriirka dhow ee ka dhexeeya bulshooyinka iyo  ganacsiga Ruush iyo Britain waa mid ka mid ah sababha isusoo dhawayn kara .

 

 

Afmeerka faalladaydani waxaan kusoo gabo gabaynayaa

Qodoban hoos ku xusan kuwaasi oo aragtidayda ay illa tahay in ay u horseedi doonto ruushka albaab cusub oo siyaasadeed waxayna tahay aragtidaasi siddan:-

 

 

Markasta oo awood darro ku timaafo yurub NATO ayaa daciifaysa,  burburka midowga yurub wixuu cadayn u yahay   awooda Qaybsan ee ku iman karta  ururada waqooyiga atlanticada  waxaana Quwad milatari iyo mid siyaasadeedba yeelanaya Ruushka .

 

Haddii Go,doon ku yimaado ingiriiska  waxay horseedi kartaa  in ay timaado iskaashi ku salaysan Dhaqalaha iyo Ganacsiga  waxaana xoogaysanaya Dhaqaalaha ruushka iyo china .

 

Siddo kale waxa hoos u dhac dhaqaale ku iman karaa midowga yurub laftiisa maadaama uu ingiriisku ahaa wadamada laf dhabarta u ahaa dhaqaalha midowga yurub.

 

Ka bixitaanka ingiriiska ee midowga yurub waxay soo noolay kartaa Aragtida cusub oo ifinaysa in yurub ay guul daraysatay  .

 

W/Q:- MAXAMUUD  CARAB  CABDI  (SABUUBB)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here