Joojinta Isticmaalka hawada sare & siyaabaha looga midho dhalin karo fursadaa

0
486

Si ay u xaqiijiso bedqabka rakaabka diyaaradaha dulmaraya hawada Somaliya iyo Soomaaliland, Ethiopia Airline waxay gebi ahaanba ka wareegtay 14 khad oo mari jiray hawadan. Waraaq ay udirtay ururka kulmiya bahda hawada ee caalamka ayay sidaa ku sheegtay.

Talaabaddani waxay keeni doonta dhowr arimood:
1. In diyaaradaha kale ay ku daydaan Ethiopia Airline oo ay ka wareegaan isticmaalka hawada Somaliland & Somaliya
2. In ururka IATA iyo ICAO soo faro-geliyaan xaalada oo si dhab ah xal loogu doono madaama ay beenowday sheegashada Soomaliya ee hawada sare.
3. In Soomaaliya ay ku weydo dakhli ka badan $30 milyan oo doolar oo ay si baadil ku qaadan jirtay.

#Maxaa la gudboon Soomaalilaan

1. In wada-hadal kasta oo loo soo jeediyo ay JSL fadhiisto miiska, gorgortana aanay ka gelin u madax-banaanida maamulka hawada sare ee xuduudaheeda

2. In heshiis kasta oo la gelayo uu mudnaanta siiyo bedqabka hawada ee rakaabka isticmaaliya hawadeena isla markaana heshiiskaasi ay ka diiwaangeliisaa maxkamadaha iyo hay’adaha caalamiga ah.

3. In $70 million oo ay Soomaalilaan kaga leedahay Soomaliya tan iyo 2017-kii markii ay hawada la wareegtay Somaliya laga qaddimo wada-hadal kasta ka hor.

4. In adduunka ay Soomaalilaan u soo bandhigto in Soomaaliya aanay qaangaadh ahayn isla markaana lahayn masuuliyad ay ku qaado maamulka hawada sare ee xaasxaasiga laguna degdegay in lagu wareejiyo sanadkii 2017-kii. Arinkaa waa in hay’adihii ku lugta lahaa lagula xisaabtamaa.

Haddii ay Somaliya ku sii adkaysayo sheegashada Soomaalilaan iyo hawadeeda, waa in miisaaniyada 2024 loogu daraa Hay’adda duulimaadyada Soomaalilaan qoondo aan ka yarayn $10 milyan oo lagu soo iibiyo qalabyada loo baahan yahay ee suurta galin kara xataa in hawada Soomaaliya loo gudbo teenana lagaga ilaaliyo signalada ay u dirayaan diyaraadaha ina dulmaraya.

Xoghayaha Ganacsiga ee Xisbiga Waddani Xamse Khayre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here