Jigjiga , (HargeisaPress) — Xiisad siyaasadeed ayaa lagu soo warramaya in maalmahan ba ay ka taagneyd Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
Madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar ayaa maalin ka hor labo jeer looga yeeray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana markii uu dib ugu soo laabtay Jigjiga la sheegay in uu kulamo la qaatay golihiisa wasiirrada oo la aaminsan yahay in uu kala hadlayo xaaladda taagan.
Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in madaxweynaha deegaanka uu caqabada ugu badan kala kulmayo siyaasiyiin horay uga tirsanaa xukuumaddii hore oo aan la dhacsaneyn qaabka uu wax u wado, ayna doonayaan in markale qeyb ka noqdaan golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka, mowqifkaasi oo uu taageersan yahay Axmed Shide, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee deegaanka.
Inkastoo aysan si rasmi ah u soo shaac bixin waxa ay isku hayaan labada dhinac ayaa haddana dadka qaar ee fallanqeeya arrimaha siyaasadda waxa ay aaminsan yihiin in la isku hayo cidda qeyb ka noqoneysa golaha fulinta ee xisbiga dowlad deegaanka oo lagu wado in uu dhawaan yeesho shirweyne.
Golaha wasiirrada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay arinta shir ka yeeshaan, iyadoo magaalada Jigjiga laga soo sheegayo degganaansho la`aan siyaasadeed.
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo xilka loo doortay bishii August ee sanadkii 2018 ayaa hadda u muuqda in uu wajahayo caqabado badan oo ku aadan sidii cadaalad loogu heli lahaa dadka tacadiyada kala kulmay Maamulkii hore ee deegaanka.
Dadka badan ayaa ka shaki qaba in labo arrimood midkood uu keeni doono khilaafka la sheegayo oo kala ah in uu galaafan doono Mustafe Cagjar, iyo in uu wiiqi doono saameynta Axmed Shide, oo ay xulafo yihiin dowladda federaalka Itoobiya.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa soo food saaray caqabado badan oo ay ka mid yihiin arrinta isku dhaca qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, oo uu meel adag ka istaagay, isagoo na horay u sheegay in isbadel uu ka dhacay deegaanka Soomaalida, balse xagga Oromada uusan wax isbadel ah ka dhicin.
Awoodda Xisbiga ayaa u muuqata inay sababtay loollan adag oo u dhexeeya madaxweynaha deegaanka, Mustafa Cagjar, iyo Gudoomiha Xisbiga, Axmed Shide.
Shide waxaa uu ku xiran yahay dowladda federaalka Itoobiya, wuxuuna horay u soo noqday wasiirkii warfaafinta, haatanna waa wasiiraka maaliyadda ee dalka Itoobiya. Waxaa muuqata inuu saameyn badan ku leeyahay siyaasadda deegaanka.
Mustafe Cagjar ayaa la sheegayaa inuu ku dheggan yahay in xubnihii la soo shqeeyay Madaxweynihii hore ee deegaanka, Cabdi Maxamuud Cumar, laga saaro golaha fulinta ee xisbiga.
Waxaan marnaba qorsaooneyneyn in siyaasadda deegaanka aysan marwalba ka marneyn hadba cida heysa talada dalkaa Itoobiya, taa oo dadka qaar ay aaminsan yihiin in madaxweyne Cagjar uu su’aal geliyay, doonaya na in go’aanada siyaasadeed ee Jigjiga ay nqodaan kuwa ka madaxbanaan Addisabab, si lamid ah gobolada kale ee Itoobiya, balse waxaa la is-weydiinayaa suurtgalnimada arrintaasi oo aan muddooyinkii dambe looga baranin deegaanka Soomaalida.
Su’aasha ugu weyn ee dadka deegaanka is weydiinayaan waxay tahay, in murankani uu galaafan doono Mustafe Cagjar, iyo inuu wiiqi doono saameynta Axmed Shide, oo ay xulafo yihiin dowladda federaalka Itoobiya.
HargeisaPress News Desk- Hargeysa