Dib U Dhac Ku Yimid Shirkii Wadatashiga Shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida

0
589

Jigjiga (Hargeisa Press) – Waxaa dib u dhac ku yimid shirweyne lagaga hadlayay xaaladda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo uu qorshuhu ahaa inuu maanta si rasmi ah uga furmo magaalada Jigjiga.

Dib u dhaca shirka, ayaa waxaa sababay saddex arrimood oo kala ah:- In ergoooyinka ka iman lahaa dibadda uu cidhiidhi ku noqday wakhtigu, Cabashooyin ka yimid asaxaatada siyaasadda iyo arrimo Farsamo, sida uu shaaciyey Maxamed Gaani oo ah guddoomiyaha guddiga qaban qaabinayo shirka dowladda deegaanka ee ka dhacaya magaalada Jigjiga.

Sidoo kale waxaa guul dareystay dadaallo soo socday saacadihii la soo dhaafay, waxayna taasi sababtay inuu gebi ahaanba uu shirku baaqdo.

Maxamed Gaani,ayaa sidoo kale sheegay in illaa afar todobaad dib loo dhigay shirka, si xal lagaga gaadho tabashada ay muujinayaan qaar ka mid ah axsaabta dowlada deegaanka.

“Shirweynihii bulshada dowlad deegaanka Soomaalida waxaa dib loo dhigay illaa afar todobaad lana qaban doonno 22 iyo 23-ka October 2022, sababaha dib loogu dhigay waxaa kamid ah in ergooyin qurbaha ka imanaya oo wakhtigu cadhiidhi ku noqday, cabashooyin yimid oo loo baahday in la xaliyo & howlo la xidhiidha farsamada” ayuu yidhi Maxamed Gaani.

Dhankooda qaar ka mid ah hoggaanka xisbiyada oo arrintan ka hadlay, ayaa wacad ku maray in ayna madasha tegi doonin inta laga xalinayo cabashada ay miiska soo saareen.

Shirkan, ayaa waxaa lagaga arrinsan doonaa xaaladda dowlad deegaanka Soomaalida, xiisadda ka jirta Itoobiya iyo qorshaha siyaasadda ee maamulka haatan talada haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here