James Swan oo Dowladda Federaalka Soomaaliya Ugu Baaqay Inay Ilaaliso Xoriyada Hadalka

0
1313
Muqdisho (Hargeisa Press) – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa maanta ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay ilaaliso xorriyadda hadalka, ra’yiga, iyo isu imaatinka, xilli ay Soomaaliya isku diyaarinayso doorashooyin guud.
Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa muujiyay baahida loo qabo in la xaqiijiyo in saaxadda siyaasadeed ee Soomaaliya ay ahaato mid furan, oo oggolaanaysa in la muujiyo codadka iyo aragtiyada kala duwan, taas oo qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

“Bulsho dimuqraadi ah waa inay oggolaato in si furan loo muujiyo aragtiyada kala duwan ee arrimaha siyaasadda, iyadoo xor ka ah xayiraad ama dhibaateyn, ”ayuu yidhi Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Hadalkan James Swan ayaa u muuqday farriin ku socota dowladda federalka Soomaaliya oo lagu dhaliilo inay xidho cid walba oo sii daysa rayi dowladda kasoo horjeeda.

Maalmo ka hor dowladda federalka Soomaaliya ayaa xidhay ganacsade taageere u muujiyay afkaarta ururka Alshabaab iyo weriyihii weraystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here