Wasaarada Caafimaadka oo Ka Hadashay Soo Laba-kacleynta Covid-19

0
1631

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Badde, ayaa ka hadlay soo laba kacleynta xannuunka safmarka ah ee Covid-19, iyo tallaabooyin ay qaadeen dalalka derisku.

Wasiirku waxaa uu bulshada u diray fariin la xidhiidha ka hortaga xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, iyada oo xiligan lagu jiro wakhtigii qaboobaha una nugul yihiin dadka xannuunada kale lihi.

Sidoo kale, uu ka hadlay dhismayaal xarumo caafimaad oo dalka oo dhana, kuwaasi oo qaybtii u horeysay ka dhagax dhigay magaalada Borama.

Dhanka kale, waxaa uu wasiiirku ku wareejiyay caafimaadka gobolka Awdal gaadhi Ambalas ah, oo cusub.

Wasiirku isaga oo ugu horreyn ka hadlaya soo laba kacleynta xannuunka Covid-19-ka waxaa uu yidhi.“Xannuunkii safmareenka ahaa ee Covid-19 waa uu soo laba kacleeyay, wadamada jaarkuna waxaa ay qaadeen tallaabooyin hor-leh, kuwaasi oo lagu xakameynayo isu-socodka bulshada, dalka Jabuuti ayaana ugu horreysa, dadka waxa aanu ku wargelinayna xannuunkaasi inuu jiro oo uu soo laba kacleeyay, xannuunkani waa mid adduunka ka xoog batay oo la maareyn kari waayay.

ILLAAHEY wuu inaggu badbaadiyay isku tashigeeni, iyo tallooyinkii caafimaadkii aggaasinkii iyo abaabuulkii aynu galnay.

Imikana tii ayaynu ku celinayna dadku inay u hoggaansamaan tilmaamaha caafimaadka, gaar ahaan dadka la nool  xannuunada in si gaara loo ilaaliyo, wakhtiga aynu ku jirnaana waa wakhti qaboobe ah, dadkuna in ay joogteeyaan falaxalkii, kala fogaanshihii iyo af-saabkii,”

Wasiirka wasaaradda caafimaadku waxaa uu ka hadlay dhagax-dhigga dhismayaal xarumo caafimaad oo goobtii u horeysay uu ka fuliyay magaalada Borama. “Ujeedadayadu waxaa weeye bilowga dhagax dhigga mashaariic horumarineed oo caafimaadka ah, oo dalka oo dhan aanu ka hirgelin doono, oo aan ku jirin miisaaniyada 2020, taasi oo ka kooban dhismayaasha toban xarumaha Hooyada iyo Dhallaanka ah, oo dalka oo dhan laga hirgelinayo iyo ballaadhinta lix cisbitaal iyo sidoo dhismaha saddex xarumood oo goobo caafimaad oo waa weyn ah, waxaa aanu ka bilownay cisbitaalka guuud ee magaalada Borama oo aanu u aragnay in uu muhiim u yahay adeeg bixinta caafimaad ee bulshada gobolka Awdal”

LEAVE A REPLY