Jamaal Cali Xuseen Oo Lagu Soo Dhaweeyey Boorama Iyo Nuxurka Khudbad Uu U Jeediyey Dadkii Qaabilay

0
1170

Boorama,(HargeisaPress) —Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka koobnaa siyaasiyiin ka mid ahaa garabkii xisbiga UCID, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal oo ay booqasho ku tageen maanta.
Mudane, Jamaal Cali Xuseen oo khudbad u jeediyey dadweynihii soo dhaweeyey waxa uu sheegay inuu danta Qaranka u arkay inay ku jirto murrashaxiinta xilalka madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ugu ordaya xisbiga KULMIYE, taasina tahay sababta uu taageerayo ee uu u dhisayo Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo hadda ah Madaxweyne-ku-xigeenka dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here