Jadwalka Doorashooyinka Somaliland oo La Mudeeyay

0
1350

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida Komiishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay inay toddobaad gudihiisa ay ku soo saarayaan liiska codbixiyeyaasha kama dambaysta ah iyo Jadwalkii Doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada iyo Ururada Siyaasadda oo u muddaysan inay qabsoomaan 13 November 2024.

Xubnaha Komishanka, ayaa arrintan ka sheegay kulan ay la qaateen Xisbiyada Qaranka iyo Wefti ka socday Dowladda Sweden.

Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay bogga Facebook ee Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, kaas oo u dhignaa sidan.

“Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa waxay shalay xafiiskooda ku qaabileen Wefti ay hoggaaminayo Safiirka Sweden Mr. Joachim Waern oo uu weheliyo Mr. Johan Svensson.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxay xog ka siiyeen Safiirka halkay marayaan hawlaha diyaar garowga doorashadu, waxay u caddeeyeen Safiirka in todobaadkan ay soo saarayaan liistada Codbixiyeyaasha Kama-dambaysta ah iyo Jadwalka Doorashooyinka isku-sidkan ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka.

Komishanka Doorashooyinku  waxay ka codsadeen Safiitka iyo dawladda Sweden inay ka taageeraan arimaha doorashooyinka gaar ahaan dhaqaalaha.

Geesta kale, waxa aanu la kulaney  masuuliyiinta saddexda xisbi Qaran, UCID, WADDANI iyo KULMIYE, oo aanu kawada hadalnay   hawlaha doorashooyinka iyo soo saarista jadwalka labada doorasho ee madaxtooyada iyo asxaabta Qaranka, waxa aanu isla qaadanay in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here