Askari Ka Tirsan Ciidamada Booliska Somaliland oo Xukun Lagu Riday

0
592

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maxkamadda Ciidamada Darejada 1aad ee Somaliland, ayaa waxaa ay saaka xukun adag ku riday Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska.

Maxkamadda, ayaa 7 sannaddood oo xadhiga ku xukuntay Dable Maxamed Cabdi Xariir oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliland, kaasi oo isagoo dirayska ku labisan degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa ku baadhay laba Haween ah oo sugaayay Bas, taariikhdu markay ahayd 28-3-2024.

Kiiskan uu galay Askarigan, ayaa waxaa ku wehelinayay laba eedaysane sida ay qabatay Camerada wax duubta ee loo yaqaano CcTv.

Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa markiiba waxaa uu hawlgal iyo baadhid ku sameeyay kiiskaasi waana la soo qabtay Askarigaasi.

Waxaana askarigaasi si deg deg ah loo horrgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, taasi oo maanta xukun ku riday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here