Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo Kormeeray Taliska Aagga-Galbeed Ee Ciidanka Qaranka Somaliland

0
567

Boorama (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xaddi, ayaa soo kormeeray Taliska aagga Galbeed ee Ciidanka Qaranka Somaliland ee Goraya-Cawl, halkaas oo uu soo indho indhaynayay qaabka u diyaar garawga Ciidanka Qaranka ee munaasibada 18 May oo inagu soo fool leh.

Dusgiga Tababarka Ciidanka Qaranka ee Aagga Galbeed iyo xerada Ciidanka Qaranka ee Galbeedka Somaliland waxa ku soo dhaweeyay gudoomiyaha gobolka Awdal Taliyaha Aaga Galbeed ee Ciidanka Qaranka Gaashaanle sare Maxamuud Axmed Yabaal, isla markaana faahfaahin ka siiyay gudgoomiyaha sida ay ugu diyaar garoobayaan xuska munaasibada maalinta 18 May oo uu Taliyuhu sheegay inay si aad ah ugu diyaar garoobeen.

Dhinaca kale, Taliyaha Aaga Galbeed ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa xusay inay diyaar u yihiin inay cadawga Somaliland tusaan sida ay u xusayaan maalinta Qaran ee 18 May , sidoo kalena ay diyaar u yihiin inay amniga sugaan oo ay heegan ku jiraan.

Taliyaha Aaga Galbeed, ayaa ku boggaadiyay Madaxwayne Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani sida wanaagsan ee ay mar kasta uga war hayaan Ciidanka Qaranka.

Guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xaddi oo la hadlay Ciidanka Qaranka ee Aaga Galbeed, ayaa ku booriyay inay ugu diyaar garoobaan maalinta Qaran ee 18 May si aad u wayn oo ay ka naxaan dhammaan cadawga Somaliland iyo cid kasta oo aan jeclayn horumarka dalka.

Guddoomiyaha, ayaa waxa uu intaasi ku daray in sugista amnigu uu yahay waajibka koowaad ee Ciidanka Qaranka, haddii ay dabaal dagayaan iyo haddii ay hawlo kale ku jiraanba waxanu yidhi:-

“Waxa inagu soo fool leh oo aynu u diyaar garoobaynay tijaabadeedii 18 May maalintii Qaranimada Somaliland, dardaaran iyo tusaalayn hore ayaad Saraakiishiina uga qabteen, anna waxa aan idin kula dardaarmayaa in la wayneeyo maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, maalintaasi waa in dhulku gariiro haddii ALLE uu yidhaa, waa in cadawgeenu naxo, meel kasta laga dareemo.

Qaranimadu waa waxa aynu nabada ku haysano, difaaca Qaranka iyo nabadgelyadaba idinkaa sugay, Qarankiina ayaad u dhimanaysaa, ILLAAHAY na waxaanu idiinka baryaynaa inuu idinka jasaa’i siiyo”.

Gaba-gabadii guud ahaa gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland waxa aad looga dareemayaa u diyaar garawoga xuska maalinta Qaran ee 18 May oo shacab iyo dawladd ba aad logu wada diyaar garoobayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here