Jabuuti oo Ka Hadashay Hubkii Ay Qabatay Itoobiya Ee Laga Dejiyey Dekedda Jabuuti

0
3188

Djibouti (Hargeisa Press)- Abuubakar Cumar Xadiye Madaxa Marsooyinka Jabuuti ayaa ka hadlay eedeyn kaga timid sirdoonka Itoobiya oo la xidhiidha in kunteenaro hub ah ay qabteen laga soo deijiyay Dekedda dalka Jabuuti.

Xadiye waxa uu sheegay in aanay qaadeyn mas’uuliyadda hubkaas la qabtay, sababta waxa uu ku sheegay muddo labadaas kunteenar ay yaalleen Dekedda Jabuuti, kadib markii laga shubay lacagaha cashuurta ah ee ku waajibtay.

Waxa uu sheegay in uu la xidhiidhay Rooba oo ah madaxa Itoobiya u qaabilsan badeecadaha laga soo jediyo dekedaha, isla markaana uu kala hadlay arrimahan.

Dowladda Itoobiya ayuu tilmaamay in ay Dowladda Jabuuti ay ka dalbato in loo soo fasaxo badeecadaha kolka maraakiibta iyo doomaha ay ku soo xidhaan Marsada Jabuuti, loona fududeeyo.

Waxaa uu sheegay in maalin waliba ay gudbaan boqolaal kunteenar oo badeecado geeya Itoobiya, balse ayna heyn lambarka aqoonsiga labada kunteenar ee hubka waday ee ay sheegeen sirdoonka Itoobiya in ay qabteen.

Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Itoobiya (NISS) ayaa 11-kii bishan sheegtay in ay qabteen Hubkan oo si sharci darro ah looga keenay Turkiga, isla markaana laga soo dejiyay Dekedda Jabuuti, laguna qabtay gudaha Itoobiya.

 

Hargeisa Press Desk/Djibouti Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here