Jaamacadda Hargaysa Oo Xalay Xaflad Balaadhan u Qabatay 27 Arday Oo Ka Qalin Jabiyay Culuumta Ingineeringka + SAWIRRO

0
1425

Hargeysa,  (HargeisaPress) —  Jaamacadda Hargaysa ayaa Xalay Xaflad Balaadhan u qabatay 27 Arday oo dhamaystay Cilmiga Ingineeringka,Waxaana kasoo qayb galay Munaasibadaas Masuuliyiinta  Jaamacadda oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadu Wasiiro ka tirsan xukuumadau,Moyarka Caasimada Hargaysa Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee ucid Eg Faysal Cali Waraabe.

Ardaydan Dhamaysatay Cilmiga Ingineeringka,ayaa noqonaya Ardaydii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Jaamacada Hargaysa. Xafladan lo qabtay ayaa Masuuliyiinta hadalada kasoo jeediyay waxa ay maamulka Jaamacadu ka cosadeen in shaqo u abuuraan 27kaas arday si ay Caruurta reer somaliland uga baaqsadaan Afaada Tahriibka,waxaana ay xukuumada ku booriyeen in ay gacan laxaadle ka qaadato Sidii ay ardaydaas ugu abuuri lahayeen shaqo.

Guddoomiye ku xigeenka jaamacada hargaysa Cabdi Salaan Yaasiin oo isna madasha ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in sanadkasta ay arday aqoon buuxdaa kasoo baxdo jaamacada hargaysa,balse xukuumada looga baahan yahay in kaalin wayn iska saarto sidii ay waxa ugu qaban lahayd,Ardayaas oo ah ubixii iyo Dadkii lahaa wadanka somaliland waxaana uu yidhi”

 

“Jaamacadda Hargaysa Gacmaheena ayaynu ku aas-aasnay,Jaamacadda waxa ka baxay arday aad u badan kuwanina waa kuwii ugu horeeyey ee ka baxa qaybta Ingineeringka oo ka kooban 27 Arday,halkana waxa inala fadhiya hurmuudadii kuliyadaha Jaamacadda Hargaysa, jaamacadda ardaydii badan koodu ka baxday ee dhamaysay imika waxa ay u shaqeeyaan dalkooda hooyo,waxaaanan ardaydan Ingineeringka iyagana usoo jeedin lahaa in ay sidaas kuwii horeba dalkooda waxa ugu qabteen kuwanina waxa ugu qabtaan Aqoontaas ay barteen Kuna Anfacaan Dalkooda Iyo Waalidkooda,waxaanan xukuumadana usoo jeedin lahaa in ay gacan libaaxle ka qaadato Sidii ay Shaqooyin ugu abuuri lahayeen dhalinyarada somalilana,Jaamacadan Markasta waxa kasoo qalin jabiya Arday aad ubadan kuwaas oo u baahan in laga faa’idaysto aqoonta ay leeyihii.

 

Dhinaca kale waxa isna hadal  kooban madasha kasoo jeediyay wasiirka wasaarada Macdanta iyo tamarta somaliland xuseen cabdi Ducaale waxaana uu balan qaaday inuu 27kaas arday ee ka qalin jabiyay fakalka Ingineeringka uu shaqaalaysiin doono inta karaankiisa aha waxaana uu yidhi”

“Aniga Farxad wayn ayay ii tahay inaan kasoo qayb galo Madal ay ku qalin jabinayaan Qaybtii ugu horaysay ee Ingineeringka oo ka qalin Jabinaysa Jaamacadda wayn ee magaalada hargaysa,Tariikhduna way idin qori doontaa marka layidhaa waa ardaydii ugu horaysay ee ka qalin jabisay Jaamacadda Hargaysa kana dhigtay Fakalka Ingineeringka Farxad ayay idiin tahay an farxad ayay ii tahay hadaan kasoo qayb galay.” “Runtii waxaad tihiin u bixii dalka somaliland waxaana haboon ina midhihiina maalin dhaw la gurto,anaguna hadaanu nahay xukuumadii waxaanu idiin sheegaynaa wixii karaan kayaga ah inaan idiin qaban doono,ka wasiir ahaan Cilmigan aad barateen aniga wuu i quseeyaa sidaas aawadeed waad ila shaqayn doontaa wixii aan shaqaalaysiin karana waan shaqaalaysiin doonaa,Waxaanan idiin leeyahay haniyada jabina dalkani hore ayuu u socdaa Khayraadkiisana maalin dhaw ayaa lasoo saari doonaa.

Sidoo kale Waxa isna kulan kaasi kalmado kasoo jeediyay moyarka Caasimada somaliland ee hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteco waxaana uu sheegay inuu Shaqaalaysiin doono Saddex inamood iyo labada hablood ee soo Bartay Cilmigan Ingineeringka waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay”

 

“waxaana marka hore ardaydan ugu bushaaraynayaa inaan shaqaalaysiin doono 3 Inamood iyo Laba hablood waxaanan leeyahay intiina kalena idin kamanaan tagine qorshaha waad noogu jirtaan,Aniga moyar ahaan si gaar ah ayay ii khusaysaa Qaybtan Ingineeringka Maxaa yeelay Caasimadii Hargaysa ayaa u baahan in loo sameeyo Dhisayn si loo helo wadooyin sax ah oo dalka oo dhan ka hir gali caasimada hargaysa waxaana ka dhigi doonaa Gobol Quruxdiisa caalamku kusoo hirto,Xukuumadanina waa xukuumadii Wax qabadka dalkana waxaanu u qabano mooyaane waxaana ka dhino kumanaan darin qorshaha.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee ucid Eg Faysal Cali Waraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Sheegay in xukuumada iyo wasiiradaba looga fadhiyo in balan qaadkaas ay ardayda ay u balan qaadeen in ay fuliyaan waxaana uu yidhi”

“Kolay wasiiradu iyo xukuumadan kulmiyeba inta badan waxa ay shegeen balana qadaan marka ay kulamadan oo kalaa kasoo qayb galaan hadalo beer laxawsi ah taasna aad maanta balan qadeena ee aad tidhaheen ardaydan shaqo ayaanu siinaynaa waa laydiinka fadhiyaa,ardaydana waxaan usoo jeedi lahaa in ay ila soo socod siiyaan hadii Balankaas ay xukuumadu ka baxdo.

Dhinac kale kulan kaasi ayaa waxa soo gunaanaday wasiirka wasaarada Boosaha iyo is gaadhsiinta somaliland iyo maareeyaha wadanooyinka somaliland waxaana ay shegeen in ardaydaasi ay yihiin u baxii wadanka xukuumaduna diyaar u tahay in ay la shaqayso,Shaqada ay barteen ku hawl galiso.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here