Jaaliyadda Somaliland Ee Qadar Oo Caawimo Gaadhsiiyay 6 Tuullo Oo Ka Tirsan Awdal

0
767

Baki (Hargeisa Press.com): Caawimo ay soo direen jaaliyadda Somaliland u dhashay ee degan dalka Qadar oo ahayd mishiinnada beeraha lagu waraabiyo ayaa maanta loo qaybiyay  lix tuullo oo ka tirsan gobolka Awdal.

Mishiinadan beeraha lagu waraabiyo ayaa la gaadhsiiyay degmooyinka Baki, tuullada Ruqi, Lughaya, Gar-gaarra, Garba-darar iyo meello kaloo ka tirsan gobolka Awdal.

Degmooyinka  iyo tuulooyinka loo qaybiyay mishiinadani ayaa ka mid ahaa meelihii ay dhibaatadda u gaysatay duufaantii Sagar.

Tuullooyinkii iyo degaamadii mishiinadda loo qaybiyay  degmadda Ruqi, waxaa la gaadhsiiyay 19 mishiin, degmadda Gar-gaara bari iyad na waxaa la siiyay 19 mishiin. Degaanka Garba-darar ayaa isna la gaadhsiiyay 20 mishiin.

Sidoo kale dhamaanba masuuliyiinta iyo dadweynaha beeralayda ah ee degaamadii mishiinadan loo qaybiyay ayaa si weyn ugaga mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee dalka Qadar ku nool deeqdan ay u soo direen.

Halkan Hoose Ka Daawo:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here