Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Minnesota Oo Casho Sharaf u Sameeyey Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland + SAWIRRO

0
1652

Minnesota, (HargeisaPress) — Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul oo ku guda jira safarkiisi uu ku maraayey wadama Canada iyo Maraykanka ayaa waxa Xaflad Casho Sharaf ah u sameeyey jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Minnesota.

11287182_10101340665130122_138333539_n

Kulankan ay wada qaateen Afhayeenka iyo Jaaliyadu ayaa daarnaa kuna salaysnaa Sagootinta masuulkan qaran iyo xog-waran, dardaaran iyo wada tashi dhex maray jaaliyada iyo afhayeen dhuxul.

Shacbiga Somaliland ayey caadadooda tahay sooryada iyo ixtiraamka, qadarinta ay marwalba ku qaabilaan masuuliyiinta qaranka Somaliland ee safarada shaqo ku taga wadamada ay ku dhaqan yihiin jaaliyadaha reer Somaliland, ee ay marwalba ka muuqato wadaniyada iyo geesinimada ay u hayaan dalkooda hooyo iyo wadankaba.

11349846_10101340664825732_255506395_n

Mudane Axmed Saleebaan dhuxul oo intii uu ku sugnaa wadamadaasi aan kor ku soo sheegay jaaliyadaha somaliland kala kulmay soo dhawayn diiran ayaa u mahadnaqay shacbiga somaliland meel ay joogaanba gar ahaana intii ay wakhtiga wada qaateen ee ay ku kulmeen wadamaas, isaga oo og-waran dheer ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo dadkaba intii uu la kulmay, isaga oo ka dhegeystay jaaliyadaha talooyin iyo waano wadani-nimo.

 

guntii iyo gebegabadii safarka afhayeenka Somaliland ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed iyo wada tashi ay ku dheehan tahay qadarin iyo iskaraamayn walaaltinimo oo ay wada yeesheen shacbigii qurbaha ku dhaqanaa iyada oo dhawaan la filaayo inuu dalka ku soo laabto afhayeenku.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here