Itoobiya oo siyaasad cusub u dejinaysa Ciidankeeda, ka dib Heshiiska Somaliland

0
5477

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Kulliyada Dagaalka iyo Difaaca ee Itoobiya, ayaa awood siinaysa hoggaamiyeyaasha Millateriga dalkaasi, si ay u ogaadaan danaha juqraafiyeed ee waddanku ka leeyahay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sidaasi waxa Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA u sheegay Taliyaha Guud ee Kulliyada Dagaalka Itoobiya Sareeye Guuto Bulti Tadesse.

Itoobiya oo dadka ku nool la saadaalinayo in ay gaadhi doonaan 150 milyan sanadka 2030-ka, ayaa leh mawqif juqurafi-siyaasadeed oo ku aaddan Geeska Afrika.

“Qaranku waxa uu door muhiim ah ku leeyahay siyaasadda Badda Cas, taas oo salka ku haysa dhinacyo taariikheed, istiraatijiyadeed iyo dhaqaale…” ayuu sheegay taliyuhu, waxaynu intaa ku dartay, “waana tixgelinta xasilloonida iyo muhiimadda muuqaalka juqraafiyeed ee gobolka.”

Taliyaha Guud ee Kulliyadda Dagaalka Sareeye Guuto Bulti Tadesse oo u waramay ENA, ayaa sheegay in siyaasadda Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay tahay arrin aad xasaasi u ah isla-markaana gobolka si toos ah iyo si dadbanba u taabanaysa danaha qaranka Itoobiya.

Taliyuhu wuxuu sharaxaad ka bixiyay in aqoonta juquraafiyadeed ee gobolka ay awood u siinayso hoggaamiyeyaasha ciidamada inay fahmaan waxa ka socda deegaanka, iyo sidii loo ilaalin lahaa, loona sugi lahaa danta qaranka Itoobiya.

“Halkan iyo halkaas waxaa ka jirta siyaasad ammaan oo weyn, gaar ahaan Geeska Afrika,” ayuu yidhi Sarreeye Guuto Bulti, isagoo intaas ku daray in kulliyadda dagaalku ay xubnaha ciidamada difaaca ka dhigtay inay fahmaan waxa ku saabsan ammaanka, waxa ay tahay danta amniga qaranka Itoobiya. iyo mabaa’diida uu waddanku raacayo ee awoodda difaaca iyo cabbirka amniga qaranka Itoobya.

Arrintan, ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda Itoobiya doonayso inay saldhig Ciidan ka samaysato badda Somaliland, ka dib marka la dhamaystiro heshiiska dhex maray labada dowladood.

https://www.ena.et/web/eng/w/eng_4850249

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here