Itoobiya oo markale xaqiijisay inay ka go’an-tahay nabadda iyo is-dhexgalka gobolka

0
1782

New York (Hargeisa Press)- Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya, Taye Atske Selassie, ayaa magaalada New York kula kulmay wasiirka UK u qaabilsan dhinacyada xuquuqul insaanka iyo Afrika, Lord Collins.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa Lord Collins uga warramay is-beddellada ka socda Geeska Afrika, wuxuuna caddeeyay inay Itoobiya ka go’an tahay nabadda, horumarka iyo is-dhexgalka gobolka.

Lord Collins, ayaa dhankiisa muujiyay muhiimadda ay leedahay in diiradda la saaro horumarinta dhaqaalaha oo ah gaadiid lagu horumarinayo is-dhexgalka gobolka.

Labaduba waxay hoosta ka xariiqeen in nabadda waarta ee gobolka ay dammaanad qaadayso kobcinta ganacsiga iyo soo jiidashada maalgashiga gobolka, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske Selasse iyo Wasiirka UK u qaabilsan dhinacyada xuquuqul insaanka iyo Afrika, Lord Collins ayaa ku heshiiyey in ay sii wadayaan doodahooda mustaqbalka dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here