Xudeydah (Hargeisa Press)- Milateriga Israaโiil, ayaa sheegay in ay duqeymo isdaba joog ah ku qaadeen bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee Yemen, taas oo sii kordhinaysa cabsida laga qabo colaadda gobolka oo ballaadhata, kaddib weerarrada Israel ee sii kordhaysa ee Gaza iyo Lubnaan.
War qoraal ah oo uu soo saaray Axaddii, ayay ciidamadu ku sheegeen in daraasiin diyaarado ah oo ay ku jiraan diyaarado dagaal ay weerareen xarumaha korontada iyo dekedaha ku yaalla dekedaha Ras Isa iyo Xudeydah. Weerarka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof โ hal qof oo ka mid ahaa shaqaalaha dekedda iyo saddex injineer oo koronto ah โ TV-ga Al Masirah ee taabacsan Xuuthiyiinta ayaa sheegay isagoo soo xiganaya saraakiisha caafimaadka.
Duqeymaha dhanka cirka ah, ayaa sidoo kale sababay in koronto laโaan ay ka dhacdo inta badan xaafadaha Xudeyda, sida ay sheegeen dadka deegaanku.
Weerarkan, ayaa yimid maalin kadib markii Xuutiyiintu ay sheegeen in ayย gantaal ballistic ah ku rideen garoonka caalamiga ah ee Ben Gurion oo ku dhow magaalada Tel Aviv ee Israaโiil.
Kooxdan xulafada la ah Iran, ayaa si isdaba joog ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalaha ku garaaceen Israaโiil iyo maraakiibta xidhiidhka la leh Israaโiil ee jooga badda cas, gacanka cadmeed iyo gacanka Bab al-Mandeb tan iyo bishii November ee sannadkii hore, taasoo ay ku tilmaantay olole midnimo. iyadoo Falastiiniyiinta ay ku hoos jiraan weerarada Israel ee Gaza.
“Sannadkii la soo dhaafay, Xuutiyiintu waxay ku shaqaynayeen jihaynta iyo maalgelinta Iran, iyagoo kaashanaya maleeyshiyaadka Ciraaq si ay u weeraraan dowladda Israa’iil, oo ay u wiiqaan xasilloonida gobolka, ayna u carqaladeeyaan xorriyadda socdaalka caalamiga ah,” ayuu yidhi millateriga Israa’iil.
Golaha Sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta, ayaa sheegay Axadii in duqeymaha Israaโiil ayna joojin doonin “taageerada ay siinayaan dadka Falastiiniyiinta”.
“Gardarrada Israa’iil waxay kordhinaysaa go’aanka dadka Yemen ee ah inay sii wadaan mowqifkooda,” ayay hay’adda fulinta ku sheegtay bayaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, ayaa sidoo kale cambaareysay weerarkii Axadii ee qiiq badan cirka isku shareeray. Af hayeenka Naasir Kanaani ayaa ku tilmaamay duqeymaha cirka ah kuwa ka baxsan biniโaadantinimada isagoo ku eedeeyay Mareykanka in uu si buuxda u taageersan yahay โdambiyada Israelโ.
Dhanka kale, Xamaas waxay dhaleecaysay weerarka “sidii ugu adkeyd” waxayna muujiyeen “midnimo buuxda” dadka Yemen iyo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta, iyagoo ku tilmaamay weerarka Israa’iil “kordhin khatar ah”.
Hussain al-Bukhaiti, oo ah saxafi iyo falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan caasimadda Yemen ee Sanca, ayaa Telefishanka Aljazeera u sheegay in dab-demiska ay isku dayayaan inay damiyaan dab ka kacay duqeynta cirka.
Israaโiil, ayaa hore u garaacday dekedda Xudeydah bishii July ka dib markii ay duqaymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta ay gudaha u galeen difaacyada hawada Israaโiil oo ay ku dileen qof rayid ah magaalada Tel Aviv.
Horaantii bishan, Xuuthiyiinta, oo maamula inta badan waqooyiga Yemen, waxay gaadheen bartamaha Israa’iil wax ay ku tilmaameen gantaalaha hawada sare.ย Weerarku wuxuu sababay dab, taasoo kicisay siidhiga duullimaadka hawada waxayna u dirtay dadka deegaanka inay gabaad ka dhigtaan agagaarka garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion.
Intaa waxaa dheer, duqeymaha cirka ee Axaddii ayaa yimid iyadoo Israa’iil ay sii waddo weerarrada dhimashada leh ee ka dhacaya Lubnaan, oo ku qasbay inay ku barakacaan ilaa hal milyan oo qof.
Sabtidii, Xuutiyiintu waxay u baroor diiqayeen dilkii madaxii Xisbullah, Xasan Nasrallah, ka dib weerar ay Israa’iil ku qaadday goob ay dadku ku badan yihiin oo ku yaalla koonfurta Beirut Jimcihii.