Itoobiya Oo Baan Ganacsiga Ka Furatay Dalka Jabuuti

0
632

Jabuuti (HP): Madaxweynaha dalka jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta xadhiga ka jaray baan cusub oo ay dawladda Itoobiya ka furatay magaaladda Jabuuti.

Baanka ganacsiga Itoobiya ayaa dalka Jabuuti laga furay sanadkii 1978-kii, hase yeeshee waxaa jirtay in la xidhay sideetamaadkii.

Iyadoo Itoobiya iyo Jabuuti ay wadaagaan waxyaabo badan oo xagga ganacsiga ah, sida Tareenka, isgaadhsiinta, diyaaradaha iyo waxyaabo kale.

Munaasibadda furitaanka baankaasi cusub waxa kaloo goob joog ka ahaa ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed, guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Muxumed, iyo xubno ka tirsan golaha wasiirradda Jabuuti.

Sidoo kale waxaa xafladaasi joogay xubno ka tirsan xildhibaanadda golaha baarlamaanka Jabuuti, agaasimaha xafiiska baananka  guddoomiyaha baananka dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha baananka dalka Itoobiya, agaasimaha xafiiska baananka ganacsiga ee  Itoobiya iyo Jabuuti, masuuliyiin kaloo ka kala socday dawladda Jabuuti iyo Itoobiya iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha dalka jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo furitaanka baankaasi cusub hadal ka jeediyay ayaa sheegay in Itoobiya iyo Jabuuti uu ka dhexeeyo xidhiidh ganacsi oo muddo dheer soo jiray.

Waxaanu tilmaamay in baanka ganacsiga Itoobiya markii u horaysay Jabuuti laga furay sanadkii 197-kii, hase yeeshee sanadihii sideetamaadkii la xidhay, isla markaana maanta dib loo furay.

Waxaanu yidhi, “Itoobiya, waxa weeyaan shariigeena ugu horeeya. Xidhiidh ganacsi, walaaltinimo, xidhiidhyo badan ayaan leenahay iyo isgaadhsiin fara badan. Haday tahay telefoonadda, haday tahay Tareen, haday diyaaradaha tahay.

Sanadkii 1946-kii ayaa la furay shirkadaha diyaaradaha Ethiopian airline, dalkii ugu horaysay ee ay tagtayna halkan (Jabuuti) ayuu ahaa. Baanka ganacsiga Itoobiya waxaa la furay sanadkii 1943-kii, oo magaca la odhan jiray berigaas uu ahaa national bank of Ethiopia.

Kadibna sanadkii 1978-kii ayaa dib loo furay, hadana ilaa dhawr iyo sideetankii ayaa la xidhay. Wax maamulka ku saabsan ayaana lagu xidhay. Imika na waa kuwan soo noqday”.

Ismaaciil Cumar Geelle, waxa kaloo uu sheegay in baankan cusub ee ay Itoobiya ka furatay Jabuuti uu wax badan u soo kordhin doono labadda wadanba.

“Wax badan ayuu soo kordhin doonaa baankan Itoobiya. Sida ganacsiga, iyo baayac-mushtarka dhamaantii, wax weyn buu u tarayaa. Waana kii laba iyo tobnaad, insha ALLAAHU kuwo kaloo bada na, way iman doonaan”ayuu yidhi madaxweynaha Jabuuti.

Guddoomiyaha golaha maamul ee baanka ganacsiga ee wadanka Itoobiya, waxaanu sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay soo degaan caasimadda dalka Jabuuti.

Waxa kaloo isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha baanka dhexe ee dalka Jabuuti Axmed Cusmaan Cali, waxaanu soo dhaweeyay iskaashiga ganacsi ee cusub ee ganacsi, ee baankaasi u horseedi doono dawladaha  Jabuuti iyo Itoobiya.

Waxaanu ka warbixiyay halka ay maanta marayaan baananka dalka Jabuuti iyo horumarka ay gaadheen.

Geesta kale wasiir dhaqaalaha ee dawladda jamhuuriyadd Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay soo dhawaynayaan dhamaanba dhinacyadda ka qayb qaadanaya horumarrada dalka Jabuuti.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here