Taliyaha Booliska Somaliland Oo Shaaciyay Qorshe Dib-U-Habayn iyo Tayayn Loogu Samaynayo Ciidanka

0
649

Ceerigaabo (HP): Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland ayaa shaaciyay in ay dejiyeen qorshe la doonayo in dib-u-habayn aqooneed lagu sameeyo ciidamadda booliska Somomaliland.

Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), waxa uu sheegay in ay dejiyeen qorshe shan sanadood ah oo la doonayo in lagu dhiso ciidamadda booliska ay boolisku u noqdaan ciidan shacabku ka haybaystaan.

Taliyaha booliska Somaliland oo khudbad u jeedinayay ciidamo boolis ah, isagoo safar shaqo ku maraya magaaladda Ceerigaabo, waxa kaloo uu tilmaamay in dhawaan la furayo jaamacad ay maalgelinayso dawladda Ingiriiska oo lagu tababarayo booliska Somaliland.

Waxa kaloo taliyaha booliska Somaliland uu ka hadlay qorsheyaal kala duwan oo la doonayo in lagu tayeeyo aqoonta, xirfadda iyo kartidda booliska, isla markaana ay uga dan leeyihiin in ay ku soo baxaan saraakiil da’ayar.

Halkan Ka Daawo Hadalka Taliyaha Booliska Somaliland:

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY