Itoobiya oo Ansixisay Sharci Ka Dhan Ah Hadallada Naceybka

0
944

Addis Ababa (Hargeisa Press)– Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa  ansixiyay sharci dhigaya in ciqaab adag la dul-dhigi doono dadka ku kaca hadallada naceybka iyo maran-habaabinta ku saleysan.

Ku dhawaad 300 oo mudane oo ka tirsan baarlamaanka Itoobiya ayaa ogolaatay qaanuunkaan, 23 xildhibaan ayaa diidday, halka laba kale ay ka aamustay.

Baarlamaanka ayaa isku raacay in qofkii lagu helo hadallada naceybka ku saleysan iyo wararka been-abuurka ah, uu muteysan doono ganaax lacageed oo gaadhaya $3,100 iyo xabsi laba sano ah.

Baarlamaanka ayaa ku qeexay hadallada naceybka ku saleysan in noqon karaan, hadallada cunsuriyadda ah ee lagula kaco koox, iyadoo wax laga sheegayo halka ay kasoo jeedaan, jinsiyaddooda, diintooda ama iin ay leeyihiin.

Arrintaan ayay dowladda uga hortageysaa rabshadaha ku saleysan isirka ee kusoo noqnoqday dalka Itoobiya sannadihii dhawaa. Qaanuunkaan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka Itoobiya lagu wado in bisha August ee sannadkan ay ka dhacaan doorashooyin taariikhi ah.

 

Hargeisa Press Desk/Addis Ababa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here