Amnesty International oo Dowladda Somalia Ku Eedaysay Inay Hanjabaad iyo Cago Jugleyn Ku Hayso Xorriyadda Warbaahinta

0
992

Muqdisho (Hargeisa Press)- Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa Dowladda Soomaaliya  Ku eedaysay inay hanjabaad iyo cago jugleyn ku wayso warbaahinta Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay hay”adda Amnesty ku sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya “la haysto,” wajahayaan qaraxyo, garaac, weeraro iyo xadhig.

Soomaaliya ayaa muddo ahayd mid ka mid ah dalalka ugu halista badan ee suxufiyiinta ay ka howl-galaan, iyaga oo wajahayey laba halis oo kala ah kasoo waramidda dagaallada, iyo sharciyo adag oo ay soo rogaan mas’uuliyiinta dawladu.

Hase yeeshee xaaladda ayaa imika kasii dareysa, sida lagu sheegay warbixinta Amnesty oo cinwaan looga dhigay “Waxaan ku noolnahay cabsi joogto ah.”

Amnesty ayaa sheegtay in suxufiyiinta Soomaaliya ay halis ka wajahayaan dhinac kasta, sida weerarada kooxda Al-Shabaab iyo dowladda caalamku uu taageero ee Soomaaliya.

Sida warbixinta ay tidhi, ugu yaraan sided suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya tan iyo sanaddii 2017, iyada oo ugu yaraan sideeda kale ay dalka uga carareen cabsi ay u qabaan noloshooda.

“Ka bad-baadidda qaraxyo baabuur, in la toogto, la garaaco, loo xidho si sharci-darro ah, suxfiyiinta waxay ku shaqeynayaan xaalado argagax leh,” waxaa sidaas yidhi Deprose Muchena, oo ah madaxa Amnesty ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in dowladda hadda jirta ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo “ay si wayn u adeegsatay baraha bulshada si ay u maareyso waxa bulshada ay ka doodayaan iyo sheekooyiinka, iyo sidoo kale in shuruucda iyo ajandaha siyaasadda dowladda ay u baahiyaan”.

Sidoo kale, Hay”adda Amnesty International waxay sheegtay in “dowladda Soomaaliya ay sameysatay koox la socota baraha bulshada oo ku sugan xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, kuwaas oo sidoo kale la socda warbixinnada dowladda dhaliilaya”.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga fal celisay warbixinta ay soo saartay hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International.

“Waxaa nasoo gaadhay qoraal kasoo baxay hay’adda Amnesty International,oo ka hadlaya arrimo la xidhiidha xadgudub ka dhan ah xoriyadda hadalka ee warbaahinta, dowladda Soomaaliya waxay si buuxda uga warqabtaa mas’uuliyadeheeda ee ku aadan in xuquuqda uu leeyahay qofka muwaadinka ah,ayna u taagantahay in la ilaaliyo xoriyadda hadalka iyo midda shaqsiyadeed” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Jawaabta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in warbixinta Amnesty ay tahay mid been abuur ah, oo magan geliyo looga raadsanayo dalalka reer Yurub, sida lagu sheegay qoraalka.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ayna jirin cadeymo loo hayo eedeynta loo jeediyey dowladda federaalka, ee ku aadan xad-gudubyada suxufiyiinta. Iyadoo ku tilmaantay mid laga leeyahay dano siyaasadeed.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY