Itoobiya iyo UK oo wadahadal ka yeeshay amniga Badda Cas

0
1377

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Hay’addaha sirdoonka Itoobiya iyo UK, ayaa ku heshiiyey inay “kor u qaadaan iskaashigooda wadajirka ah” ee ku aaddan arrimaha ammaanka, iyadoo diiradda la saarayo xasilloonida gobolka iyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada, sida ay sheegtay Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS).

War qoraal ah oo ay NISS siisay warbaahinta dowladda Itoobiya ayuu ku sheegay Richard Peter Moore oo ah madaxa hay’adda sirdoonka Britain ee MI6 oo wefti uu hogaaminayo ay tageen magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu kula kulmay madax sare.

Weftiga, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Bole ku soo dhaweeyay saraakiil sarsare oo ka tirsan hay’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISA.

Wadahadallada, ayaa diiradda lagu saaray “arrimaha gobolka, kuwa qaaradaha, iyo kuwa caalamiga ah,” gaar ahaan xaaladda badda cas, hanjabaadaha argagixisada, iyo ka ganacsiga dadka sharci darrada ah, Sida ay sheegtay NISS.

Sisay Tola, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee hay’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS, ayaa ku nuuxnuuxsaday in hay’adaha qaarkood “ay si ula kac ah isku dayayeen inay hindisaha Itoobiya u adeegsadaan marin u helka dekedda ujeeddooyin been abuur ah,” taasoo uu sheegay inay “si xun uga qayb qaadanayso xasilloonida gobolka.”

Sisay waxa uu iftiimiyay doorka muhiimka ah ee ay Itoobiya ku leedahay xasiloonida gobolka waxa uuna ka hadlay walaaca laga qabo biyo xidheenka weyn ee Itoobiya ee Renaissance Dam (GERD), isaga oo sheegay in ay tahay in uu noqdo mid horseeda iskaashiga halkii uu ka ahaan lahaa “ajandaha kala duwanaanshaha, muranka, iyo khilaafka,”.

Moore, isaga oo qiraya “muhiimadda iyo saamaynta istaraatiijiga ah ee Itoobiya,” ayaa ballan qaaday in uu xoojin doono is-weydaarsiga sirdoonka iyo kor u qaadida iskaashiga “teknoolajiyada iyo dhisidda awoodda,” ayaa lagu daray bayaanka.

Horaantii, NISS waxa ay sheegtay in hay’adaha sirdoonka Itoobiya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in ay “kor u qaadaan iskaashigooda” waxayna ku eedeeyeen in ciidanka xoreynta Oromada (OLA) oo ay mas’uuliyiinta Itoobiya ugu yeedhaan “Shene” ay xidhiidh toos ah la sameeyeen maleeshiyada Al-Shabaab. oo saldhigeedu yahay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here