Itoobiya iyo Soomaaliya oo si toosa ugu jira wadahadalkii u dhexeeyay

0
2430

Ankara (Hargeisa Press)- Sida ay ku warrantay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu, Weftigii Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa ay haatan si toos ah ugu jiraan wadahadalkii u dhexeeyay.

Madasha ay labada dhinac ku wadahadlayaan, ayaa waxaa ku sugan Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakaan Fiidaan kaas oo labada dhinac dhex dhexaadinaya.

Anadolu, ayaa sheegtay in aanay labada dhinac weli waxba isla meel dhigin isla markaana ay ka wada doodayaan qodobada laysku hayo.

Wadahadalka, ayaa sida ay soo werinayso Wakaaladda wararka Anadolu, waxaa uu qaadan karaa wakhti ka badan kii wareegii hore maaddama oo ay dowladda Turkigu ku dedaalayso in xiisadda la soo af meero dhinacayduna isu soo dhowaadaan.

Waxaa xusid muddan in wadahadaladii hore ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhacay dalka Turkiga uu ku soo idlaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaadhin.

Dowladda Itoobiya, ayaa diiday soo jeedintii Soomaaliya ee ahaa in Itoobiya bad laga siiyo marinka badda Hindiya, haddii ay ka noqoto heshiiska ay la gashay Somaliland ee MOU, iyadoona dowladda Itoobiya meel adag ka taagan tahay heshiiska MOU ee ay la gashay Somaliland.

Itoobiya, ayaa ku adkaysatay rabitaankeeda dekedda Somaliland, waxayna diiday inay ka noqoto heshiiskii isfaham ee ay Somaliland la gashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here