Itoobiya iyo Jabuuti oo iska kaashanaya waxka qabashada shidaal yarida

0
1216

Djibouti (Hargeisa Press)- Shidaal la’aantii dhawaan ka dhacday magaalada Addis Ababa, wefti ka socda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide, ayaa u kicitimay dalka Jabuuti.

Weftiga Itoobiya, ayaa kulamo la yeeshay Wasiirka Tamarta Jabuuti Yoonis Cali Gude iyo Madaxa shirkadda Horizon Petrol Terminal Cumar Xasan.

Intii uu socday wadahadalku, ayaa waxaa la sheegay in shirkadda Horizon Petrol Terminal ee dalka Jabuuti ay ka jirtay cidhiidhi ka dhashay Shidaalka maalinlaha ah ee loo wareejinayo Itoobiya.

“Terminalku wuxuu u baahan yahay dayactir ballaadhan si loo daboolo baahida saliidda ee sii kordheysa ee Itoobiya” ayuu yidhi Madaxa Shirkadda Horizon Petrol Terminal ee dalka Jabuuti Cumar Xasan.

Sida laga soo xigtay safaaradda Itoobiya ee Jabuuti, Wasiir Axmed Shide waxa uu ku nuuxnuuxsaday baahida degdega ah ee loo qabo in wax laga qabto baahida shidaalka ee sii kordhaysa ee Itoobiya.

Waxaanu soo jeediyay in xal loo helo caqabadaha soo wajaha terminalka.

Madaxa shirkadda Horizon Petrol Terminal ee Jabuuti Cumar Xasan, waxa uu caddeeyay inay Jabuuti ka go’an tahay buuxinta baahida shidaalka ee Itoobiya, waxaanu tilmaamay inay socdaan dedaallo lagu dayactirayo laguna balaadhinayo marinka shidaalka.

Labada dal waxay ku heshiiyeen in la dhiso guddi farsamo oo u xilsaaran la socodka waxqabadka saadka ee terminaalka iyo xallinta arrimaha shaqada marka ay soo baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here