Gaza (Hargeisa Press)- Ciidamada Israa’iil oo sii wada duqeymaha ay ka wadaan Marinka Gaza, ayaa xalay dilay ugu yaraan 29 Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen 5 carruur ah oo mataano ahaa.
Duqeymihi ugu danbeeyey ee Axaddii, ayaa ku soo beegmay xilli uu Israa’iil gaadhay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken oo markii sagaalaad tagaya Bariga Dhexe, tan iyo marki uu billowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, horraanti bishi October ee sannadki hore.
Cisbitaalka Al Aqsa ee Gaza, ayaa sheegay, in duqeyn ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameedsadeen degmada Deyral Balax lagu dilay hooyo iyo lix carruur ah oo ay dhashay, oo ay ku jireen shan carruur ah oo halmar wada dhashay oo ay da’doodu aheyd 10 jir.
Mohammed Awad Khatab, oo ah awoowga caruurta la dilay, ayaa sheegay, in gabadhiisa ay aheyd macallin, carruurtana uu ugu yaraa wiil sannad iyo badh jir ahaa.
Duqeyn kale oo cirka aheyd oo ay Israa’iil ku qaadday bariga Deyral Balax ayay ku dhishay ugu yaraan afar ruux, sida uu ku soo warramayo wariye ka tirsan wakaaladda wararka AP oo Gaza ku sugan.
Waaxda Caafimaadka Gaza, ayaa iyaduna sheegtay, in duqeyn lagu garaacay degmada waqooyi ee Jabaaliya lagu burburiyay dhisme, halkaas oo lagu dilay laba nin, iyo haweenay iyo gabadheeda.
Dhanka Bartamaha Gaza, saraakiisha caafimaadka cisbitaalka Al-Cawda, ayaa sheegay, in sagaal qof lagu dilay duqeyn ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen halkaasi, sidoo kale hal qof ayaa lagu dilay duqeyn kale oo loo geystay xerada qaxootiga ee Nuseyraat.