Injiineerrada Haayadda Waddooyinka Somaliland Oo Tababar Loo Soo Xidhay

0
368

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland C/laahi Abokor Siciid, ayaa maanta tababar u soo xidhay Injiineerro ka tirsan haayadda Waddooyinka Somaliland.

Xubnahaasi Injiineeradda ah oo tababarka qaadanayay muddo laba todobaad ah ayaa lagu barayay  noocyadda Carrada ama Ciidda ee dhulka wax laga dhisayo.

Tababarkaasi ayaana xubnaha Injiineerada ah uga socday xarunta haayadda Waddooyinka ee magaaladda Hargaysa.

Daraasadda mashruucaasi ayaa lagu samaynayay Waddadda isku xidhaysa Lawyocade Fardaha ee Boorama, taasoo uu hadda socdo dhismaheedu.

Qalabka shaybaadhka Carradda lagu samaynaya iyo qalabkiisaba waxaa ku baxday lacag gaadhaysa 1 milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Taasoo uu bixiyay sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo soo gaabiyo SDF iyo dawladda Jarmalka iyo ururka Midawga Yurub.

Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland C/laahi Abokor Siciid, oo hadal ka jeediyay xidhitaanka tababarkaasi.

Waxaana tababarkaasi u soo xidhay xubnahaasi Injiineerada ah wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland C/laahi Abokor Siciid.

Waxa kaloo xidhitaanka tababarkaasi ka soo qayb galay ku-simaha maareeyaha haayadda waddooyinka Somaliland C/raxmaan Suldaan Saxardiid, iyo masuuliyiin kale.

Gebagebadii wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Waddooyinka Somaliland aya shahaadooyin guddoonsiiyay xubnihii Injiineerada ahaa tababarkaasi dhamaystay.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here