Ingiriiska oo Joojiyay Dhaqaale Uu Siin Jiray Jaamacadaha-Wadammo Somaliland Ku Jirto

0
1678

London (Hargeisa Press)- Dowladda Ingiriiska, ayaa waxaa ay markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inay taageeri jirtay Jaamacadaha wadammo ay Somaliland ka mid tahay.

Su’aal baarlamaanka Ingiriiska laga weydiiyay xukuumadda UK inay taageerto jaamacadaha lagu barto xalinta khilaafaadka, ayaa lagu sheegay inuu dhamaaday mashruuca taageerida jaamacadahu.

Dowladda UK, ayaa wadamada Jaamacadahooda ay sheegay inay taageerada siin jirtay waxaa ka mid ah Somaliland, Kenya, Masar, Nigeria, Tanzania, Uganda, Rwanda iyo Sierra Leone, sida uu sheegay Xildhibaan Axmed oo laga doorto Wimbledon.

“Annaga oo adeegsanayna barnaamijkayaga iskaashiga istiraatijiyadeed ee waxbarashada sare, hal-abuurka iyo dib-u-habaynta (SPHEIR) waxaanu taageero siinay jaamacadaha Somaliland, Kenya, Masar, Nigeria, Tanzania, Uganda, Rwanda iyo Sierra Leone.” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay taageerada xalinta khilaafaadka jaamacadaha ay siiyeen wadamada Jordan iyo Lubnaan oo taageeraya Qaxootiga Suuriya, isagoona intaasi ku daray inuu Barnaamijkani uu socday intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2022.

Xildhibaanka, ayaa waxaa uu sheegay in imika habayaraatee aanay dowladda Ingiriisku wax taageero ah siinin jaamacadaha dalalka la cayimay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here