Hargeysa (Hargeisa Press)- Mudanayaasha Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011.
Fadhigii gollaha Wakiillada Somaliland ee Sabtidii Maanta, waxa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Gollaha Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), waxaana kasoo xaadiray 75 xildhibaan oo ka mid ah 82 xubnood ee golluhu ka kooban yahay.
Guddoomiyihii Guddida Is waafajinta iyo dib u eegista xeerarka ee gollaha horkeenay Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), ayaa warbixin ka jeediyay madasha ka hor intii aan loo codayn xeerarka.
Xildhibaan Qodox, wuxuu sheegay innay guddi ahaan bilaabeen iskugurka, naaqishida iyo ka doodidda Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011, isla markaana ay jiraan qodobo ay ku kordhiyeen iyo kuwo ay wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyeen.
Warbixinta Guddoomiyaha Guddida kaddib Guddoomiyaha Gollaha Yaasiin Maxamuud Xiir, ayaa gollaha weydiiyay in dood la geliyo in sidaa lagu codeeyo, waxayna cod aqlabiyad ah ku dalbadeen in cod la geliyo, sidaana waxa loogu kala codeeyay xeerarka oo loo codeeyay in ka baddan Lixdan xildhibaan, sidaana ay ku meel mariyeen golluhu.
Waa markii kowaad ee la sameeyo xeer ogolaanaya doorashada madaxtooyada iyo ururada Somaliland, ayaa waxa lagu soo kordhiyay qodob sharaxaya qaabka loo qabanayo doorashooyinka isasaarka ah iyada oo uu xeerkani madaxbanaani iyo awoodo dheeraad ah uu siinayo guddida doorashooyinka Somaliland.
Waxaa sidoo kale uu goluhu kaabis ku sameeyay 35 qodob oo ka mid ah Xeer 91 ka doorashooyinka ee hore u jiray, iyada oo xogo dheeraad ah lagu daray si loo waafajiyo nidaamka cusub ee doorashooyinka.
Xeerkan, doorashooyinka isku sidkan ee madaxtooyada iyo ta urrurada siyaasada ee ay maanta Golaha Wakiilladu codka aqlabiyada ah ku ansixiyeen, ayaa dhaqangal noqonaya marka ay Golaha Guurtida Somaliland ogolaadaan, Madaxweynuhuna uu saxeexo.
Si kastaba ha ahaatee Xeerkan, ayaa waxaa ka dhashay soo jeedin ay sameeyeen qaar ka mid ah salaadiinta dhaqanka ee Somaliland.