Xildhibaanada Awdal oo Golaha Wakiillada Mariyay Dalab La Xidhiidha Dibu-Furista Dastuurka

0
741

Hargeysa (Hargeisa Press)- Mudanayaasha Gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa oo soo jeedinta ay gollaha soo hor dhigeen mudanayaasha kasoo jeeda gobolka Awdal oo ay ku dalbanayaan in dastuurka lagu muujiyo saamiga siyaasadeed ee dadka Awdal.

Soo jeedinta xildhibaanada Awdal kaga jira gollaha Wakiillada, ayaa saaka markii la horgeeyay mudanayaasha waxa cod loo weydiiyay mudanayaasha, kuwaas oo cod aqlabiyad ah ku meel mariyay soo jeedintiii xildhibaanada Gobolka Awdal ay ku dalbanayeen in dastuurka la furo si loo muujiyo saamiga siyaasadeed ee Awdal.

Golaha, ayaa soo jeediyay in sidoo kale dib loo eego tirada goobaha codbixinta, ee gobolka Awdal isla markaana ay guddida doorashooyinku ku kordhiso tirada dhiman, si lamid ah sidii gobolada kale loogu kordhiyay.

Ugu danbayn, golaha ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka Somaliland, oo xildhibaannada Awdal ay codsadeen in la furo, si bulshadu u hesho sinaan, cadaalad iyo usu-niyadsamaan, ayaa lagu yidhi warbixin golaha kasoo baxday.

Xildhibaano ka soo jeeda gobolka Awdal, ayaa dhawaan codsaday in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, isla markaana la saxo hanaanka saami qaybsiga, lana kordhiyo goobaha codbixinta gobolka.

Xoghayaa Guud ee Gollaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa madasha ka akhriyay soo jeedinta mudanayaasha Awdal ee golluhu u bedelay go’aan golle. sidaana lagu ansxiyay 73 xildhibaan oo fadhiga joogay, kuwaas dhammaan u codeeyay Qaraarka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here