Imaaraadka oo Hub Qarsoodiya Ka Dajiyey Maamul Goboleedka Puntland

0
1220

Garoowe (Hargeysa Press)- Wararka ka imanaya maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Dawladda Imaaraadka Carabtu ay saanad Hub ah oo qaroosdiya ka dejisay halkaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Hubkan Imaaraadku ka dejiyay Puntland uu khilaaf xoogaan ka dhex abuuray Imaaratka Carabta iyo Maamul goboleedka Puntland.

Khilaafka oo markii hore salka ku hayay arrimo la xidhiidha mashaariic labada dhinac u dhexaysa ayaa imika sii xoogeystay kadib markii la ogaaday in garoon ku yaalla magaalada Qardho ay ka soo degtay diyaarad sida saanad Milateri, taas oo ayna ka war qabin maamulka Puntland.

Waxaa shaki weyn dhalisay qaabka qarsoodiga ah ee Imaaratka Carabtu ay saanada Milateri ugala soo degeen garoon cusub oo ayna hore u isticmaali jirin, iyadda oo la wada ogyahay in diyaaradaha Imaaratku isticmaali jireen garoonka diyaaradaha ee Boosaso.

Saraakiisha ammaanka maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Qardho oo ka war helay diyaarada Imaaratka Carabtu leeyihiin ee ka soo degtay garoonka diyaaradaha Qardho ayaa amray in la xanibo agabka ciidan ee diyaaradahu sidaan.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo markii horeba safarkiisu ku wajahnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa la gaadhsiiyay warka la xidhiidha diyaarada hubka sida ee ka soo degtay Qardho. Madaxweyne Deni  ayaa saraakiisha faray inaan la dejin saanada milateri ee diyaaradu sido ilaa iyo amar dambe.

Waxaa Muuqata in qorshahaan uu yahay mid u gaar ah Imaaraadka Carabta oo ayna ka warqabin madaxda maamulka Puntland. Shaki weyn ayaa durba soo baxaya kaas oo ah halka ay ku wajahantahay, saanada ciidan ee Imaaraadka sida qarsoodiga ah u keenay isaga oo aan soo wargelin maamulka Puntland.

Khilaafkan ayaa sii xoojinaya tuhun ay mudooyinkii dambe qabeen madaxda maamulka Puntland, kaas oo ah in wada shaqayn ka dhaxayso kooxaha ka dagaalama buuraha Puntland iyo Imaaraatka.

Saraakiil ciidan maamul goboleedka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in saanada milateri ee sida qarsoodiga ah uga soo degtay garoonka diyaaradaha Qardho in ay tahay mid loo waday buuraha Galgala oo ay ka dagaalaman Al-Shabaab.

.

Hargeisa Press.com/Garoowe Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here