Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro Oo Hargeysa Ku Soo Dhaweeyey Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde + SAWIRRO

0
976

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Ciro  Iyo Saraakiil Sar Sare Oo Ka Tirsan Xisbigaasi  Ayaa Maanta  Madaarka Caasimada Hargeysa Ku Soo Dhaweeyey Xildhibaan Cabdiqadir Jirde Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland.

4(418)

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Warbaahinta Kula Hadley Madaarka Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Go,aankii Ka Soo Baxay Maxkamada Sare Ee Somaliland Ee Ku Aadanaa  Murankii Ka Dhex Taagnaa  Xisbiyada Mucaaridka Iyo Xukuumada Talada Haysa .

2(488)

Sidoo Kale Xildhibaanka Ayaa Waxaa Uu Taageero U Muujiyey Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Mucaaridku Ay Kaga Tashanayeen Xaladada Dalka Waxaana Uu Yidhi

5(373)

Xildhibaanka Oo Arimahaas Ka Hadlaya “ Faraxad Ayey  Tahay In Aan Si Nabad Ah Ugu Soo Noqdo Dalkeygii Hooyo Marka Labaadna Waxaa Aan Bogaadinayaa Go,aankii Ay Soo Saartey Maxkamada Dastuuriga Ahi Ee Cid Walba Halkii Kaga Aadaneed Ay Ku Tilmaantey Waxaana Aan Rajeynayaa In Ay Cid Waliba U Hogaansanaato Oo Waxii La Faray Ay Fuliso .

1(542)

Waxaa Kale Oo Aan Tageerayaa Go,aankii Ka Soo Baxay Shirkii Wada Tashiga Ee Ku Saleysnaa Ama Daba Socdey Go,aanka Maxkamada Dastuuriga Ah Waxaana Aan Filayaa In Uu Sidiisa U Fuli Doono Oo Khilaafkaasina Sidaas Ku Soo Af Jarmi Doono “ Ayuu Yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here