Hubaal Aqoonsigu Wuu Iman Maalintiisa Ee Yaan Dedaalka La Yaraysan By: Cali Xasan

0
924
Somaliland waa qaran tis qaaday wuxuuna hada ku dhawyahay 25 jir  waa wadan  wadamada kheyrkii  ee kula yaala mandaqada Geeska Africa, indhaha caalamka ayey xoog usoo jiidatay  kala danbaynta maamul wanaaga ka jira  wadan yar oo soo koraya  kuna yaal mandaqad nabad gelyadeedu xaasaasi tahay, waxaana ay caalamka ka noqotay mucjiso.
Inkastoo Rajiimkii Siyaad Barre   xasuuq ba,an iyo dumis balaadhan  u geystay somaliland, dad iyo duunyaba lo gumaaday  si arxan daro ah, wali taarikhda aduunyada laguma hayo  diyaarad intay ka kacday magaalo isla magaaladii dib u duqaysa taasina waxay ka dhacday caasimada somaliland ee hargeysa,  hadana somaliland waxaa waxba umay noqon waxay kasoo kabatay  wixii xasuuq iyo iyo dumis loo geystay, waxaana ay shacabkii reer somaliland dhisteen dawlad oo ah ta ilaa maanta taagan.
25 Sanadood Jamhuuriyada Somaliland Shacabkeeda iyo Dawladadeeduba iyagoo isku duuban waxay  waxay  baadi goob ugu jireen Aqoonsigii 1960-kii aduunyadu siisay , waxaana ay buuxiyeen dhamaan sharuudihii looga baahnaa ee Dawladnimo,  waxaan hubaa inuu iman doono maalin maalmaha kamida aqoonsiga somaliland inagoo kamida  wadama caalamka ee wax laga waydiiyo talooyinka iyo waayo aragnimada  aduunyada, waxayna ku imanaysaa dedaal iyo karti aynu samayno inagoo isku duuban.
Shacabka Somaliland wuxuu kaga duwan yahay  Umadaha kale  wada jirka iyo iskaashiga  qaranimada somaliland waa dad siyaasad ahaan kala fikir duwan hadana ka midaysan qaranimada iyo jiritaanka dalkooda iskuna waafaqa waxkasta oo qaranka horumar u ah, Sharciga axdi qarameedka somaliland waa mid ku taagan rukuno adag dadka somaliland waa kuwo jecel nada iyo wanaaga.
Aqoonsiga ka bilaabay  Magaalooyinka Shaffiled iyo Cardiff wuxuu hor dhac u ayahay  iftiinka iyo soo dhawaan shaha Aqoonsigii Somaliland oo ka dhigan sidii qorax soo baxday aroor hore,  dedaalkaa iyo karitdaa waxaa keenay muwaadiniin u dhashay somaliland aan kala hayan muxaafid iyo mucaarid balse ahaa dad isu kaashaday qaranimada iyo ka dhabaynta  himilada qaranku higsanaayo waxaana ay guteen waajib qaran oo saar , dad badan oo dalkan u dhashayn tusaale ayey u noqdeen.
Geba gebadii shacabkayga qaaligaa ee dahabkaa waxaan kula dar daarmayaa ha yaraysanina dedaalkiina, kartidiina iyo baadi goobka aad ugu jirtaan  helista aqoonsi buuxa oo la siiyo qarankeena, waxaynu hubnaa inuu maalintiisa imanaayo  kana mid noqon doono  fadhiyada iyo shirarka lagaga arinsanaayo  maamulka aduunyada  inaan qeyb ka ahaano oo wax laynaga waydiiiyo.
Cali Xasan 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here