Hoos U Dhac Ku Yimid Faafidda Xanuunka Covid-19 Ee Somaliland

0
1561
Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye
Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa waxaa ay sheegtay in uu hoos u dhac ku yimid faafidda xanuunka Covid_19, xilli uu jiro ololaha Xisbiyada, dadkuna iskugu yimaaddaan fagarayaasha kala duwan ee dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye oo u warramay BBC-da, wuxuu sheegay inay Wasaarad ahaan weli wadaan wacyigelintii.

“Xaaladdii u dambaysay ee xanuunka Covid 19, ee gayiga Somaliland, waxaa muuqata inuu jiray hoos u dhac aad u weyn, oo la odhan karo kiisaska si baaxad weyn ayey hoos ugu dhaceen, tusaale ahaan shalay oo kale laba boqol oo qof oo la baadhay waxaa laga helay saddex qof, halka doraadna laba boqol oo qof ku dhawaad la baadhay aan cidna laga helin, waxaana muuqata hoos u dhac aad u weyn oo ah inuu xanuunkani hoos u dhacay, weli waxaa socda wacyigelintii Wasaaradda horumarinta Caafimaadku marinaysa warbaahinta kala duwan ee dalka, waxaa socda dadka madaarka ka soo degaya iyo dadka baxaya ee aanu eegaynay iyo meelaha kala ee dalka laga soo galo, waxaa socda qaybintii ay Wasaaraddu u qaybinaysaa Shaqaalaha Caafimaadka iyo meelaha kaleba af-xidhkii, waxaa jira shaybaadhkii ee bulshada laga baadhayey, maanu dabcin ee waxaa jira wacyigelin balaadhan..”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xargeeye.

Geesta kale, agaasimahe Xergeeye, ayaa ka hadlay ololaha iyo faafidda xanuunkan kaalinta uu ka qaadan karo.

“Somaliland waxaa soo maray munaasibado waaweyn, oo dadku aad iskugu soo baxeen, oo ay ka mid ahayd ciiddii, oo ay ka mid ahayd maalimihii qaran oo 18 May mid ahayd iyo ololaha Doorashada, arimahaas oo dhan Wasaaraddu way la socotaa oo isha ayey ku haysaa, waxaanu wadnaa wacyigelintii oo aanu dadka u sheegayno in shaybaadhka la sameeyo waanu wadnaa, intaasba dadka waanu ku dhex jirnaa, laakiin sida aad og tahay waxaa socda munaasibado waaweyn oo ay adag tahay sida loo xadido isku soo baxa dadka iyo siday dadku isku dhex galayaan, Wasaaradda Caafimaadku iyada ayaa u xilsaaran hawlaha Caafimaadka iyo sidii loo yarayn lahaa faafitaanka xanuunkan Corono Virus, Wasaaradda Caafimaadku iyadoo dareensan hoos u dhaca weyn ee jira ayey haddana Wasaaraddu waxay dadka la dhinaca socotaa inay wacyigelin balaadhan u samayso, wacyigelin balaadhan oo aan hoos u dhac lahayn ayey wadaa oo ay dadka uga digayso khatarta xanuunka”ayuu yidhi Agaasime Xergeeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here