Hoggaamiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo lagu xukumay dil Toogasho ah

0
989

Cairo – Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa dil ku xukuntay hoggaamiyaha ugu sarreeya ururka Ikhwaanul Muslimiinka, Maxamad Badiic.

Hoggaamiyaha ayaa lala xukumay 13-ruux oo kale oo iyaguna ka tirsan ururkaas, kuwaasoo dhammaantood lagu soo oogay dacwado kala duwan.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa dalka Masar laga mamnuucay kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore ee Masar, Maxamad Mursi oo ka dadka taageera ay u badnaayeen Ikhwaanka.

Sidoo kale, Badiic iyo taageerayaashiisa waxaa la sheegay in lagu helay dambi ah inay qorsheynayeen weerar ka dhan dowladda dalkaas ka jirta ee uu millaterigu hoggaaminayo.

Dhanka kale, xukunnadan ayaa loo gudbiyay muftiga dalkaas ugu sarreeya oo ka gaari doona go’an kama dambeys ah.

Ugu dambeyn, maxkamad kale ayaa horey toogasho ugu xukuntay Badiic, laakiinse waxaa gadaal dambe loo beddelay xukunkaas mid xabsi daa’im.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here