Hogaanka Xisbiyada Waddani Iyo Kulmiye Oo Kulan Afur &Casho Ah Ku Wada Yeeshay Caasimada Hargaysa

0
159

Hargeysa,(HargeisaPress)– Caasimadda Hargeysa waxaa galabta kulan dheer uu  dhexmaray Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE,  kulankaasi oo ka qabsoomay hotel Ambasaddor. Kulanka ayaa ahaa dardargelinta arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee sannadkan 2024 dhaca iyo nidaamka howlgalka guud ee Axsaabta Qaranka ee arrimaha Doorashada.

Kulankan ayaa ka dambeeyay kaddib kulankii ay dhawaan wada-yeesheen Madaxweynaha iyo Musharaxa Xisbiga WADDANI ee uu ka soo shaqeeyay Madaxweynihii hore Mudane Daahir Rayaale kaahin.

Kulanka galabta waxa ka soo qeybgalay Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo qeybo ka mid hoggaanka Xisbiga ayaa labada Xisbi Ku boorriyey in ay ka shaqeeyaan In dariiqa doorashadu lagu sii ambaqaado in hannaan Shacabku ku farxaan inoogu dhacdo doorashadu.

Dhinaca kale Xisbiga KULMIYE  waxaa hoggaaminayey wefdiga ka socday Guddoomiyaha Xisbigaas Mudane Maxamed Kaahin Axmed, iyo qaar ka mid Wasiirrada iyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ayaa sidoo kale ka soo qeybgalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here