Hogaanka UXQS Oo Bogaadiyay Shirkii Jabuuti Ku Dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya

0
820

Hargaysa (HP): Ururka Xoojinta qaran-nimadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa si mug iyo miisaan leh u bogaadiyay shirka Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray magaaladda Jabuuti ee dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxanu ururka UXQS soo dhaweeyay in xukuumadda Soomaaliya aqbasho in ay wax ka bedesho hab-dhaqankeedii hore, si togan-na uga fal-celiso doodda ay weftiga Somaliland Miiska dhigeen.

Sidaasi-na waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray hogaanka sare ee UXQS, oo nuqul ka mida uu soo gaadhay shebekadda Hargeisa Press.

Ururka xoojinta qaran-nimadda Somaliland oo xaruntiisa guud ku taallo caasimadda Somaliland ee Hargaysa, ayaa ah urur u dhaq-dhaqaaqa arrimaha qadiyadda Somaliland.

Geesta kale UXQSl, waxa uu u mahad-naq u jeediyay madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladdiisa oo marti-geliyey gogosha shirka, dawladda Maraykanka ee soo qaban-qaabisay, Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo dhamaan dawladdaha iyo cid kasta oo ka qayb-qaatay suurto-gelinta shirkan.

War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:

“Ururka Xoojinta qaranimada Somaliland, waxa uu si mug iyo miisaan leh u bogaadinayaa Wadahadallada Dalka jabuuti uga furmay Jamhuuriyada Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, kaasoo Ururku u arko mid bar bilow u noqon kara, wanaajinta derisnimada, walaalnimada iyo xidhiidhka labada dal ee Mustaqbalka, haddii ay Xukuumadda Soomaaliya aqbasho in ay wax ka bedesho hab-dhaqankeedii hore, si togan-na uga fal-celiso doodda ay weftiga Somaliland Miiska dhigeen.

Ururku waxa  kale oo si weyn u soo dhaweynayaa guullaha wax ku oolka ah ee ay Shirkaasi ka soo hooyeen weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu taageero u muujinaynaa weedhihii garnaqsiga iyo gogol-dhiga ahaa ee uu Madaxweynuhu ka jeediyey furitaankii shirka.

Khudbadaasoo ka turjumaysay qadiyada madaxbanaanida iyo Qarannimada  Somaliland, kuna qotontay xaqiiqda biyo-kama dhibcaanka ah.

UXQSl, waxa kale oo uu mahad-naq u jeedinayaa Madaxweynaha Dalka Djibouti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo dawladdiisa oo marti-geliyey gogosha shirka, Dawladda Maraykanka ee soo qabanqaabisay, Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo dhamaan dawladdaha iyo cid kasta oo ka qayb-qaatay suurto-gelinta shirkan.

Ururka UXQJS, waxa uu shacabka Somaliland ku hambalyeynayaa sida dal jacaylka, wadaniyada iyo foojignaantu ku dheehan tahay  ee ay qalabka warbaahinta ugaga dareen celiyeen shirkaasi, waxaanu sidoo kale warbaahinta kala duwan ku bogaadinayaa sida xilkasnimada leh ee ay bulshada ugu soo gudbiyeen xogta iyo xaaladaha kala duwan ee shirka.

Ururku wuxuu aaminsan yahay in kulamadii shalay iyo maanta guul wax ku ool ahi uga soo hooyatay Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, taasoo aanu mar labaad ku hambalyeynayno Madaxweynaha iyo weftigiisa.

Ugu dambeyn Ururka xoojinta qaranimada Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle ka baryayaa in uu dabeyl caafimaad inaga mariyo cudurka aafadaha ah ee Covid19, ictiraaf iyo barwaaqo nololeedna inagu waarsiiyo”.

Wa bilaahi Tawfiiq.

Somaliland, guul iyo Gobanimo

HOGAANKA SARE EE URURKA XOOJINTA QARAN-NIMADDA SOMALILAND.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here