Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Somaliland Oo Nairobi U Dhoofay iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Sharaxay U jeedada Safar + SAWIRRO

0
880

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa faahfaahin ka bixiyay Safar Saddexda Gudoomiye Xisbi ee Somaliland ugu kicitimeen Dalka Kenya, waxa uu sheegay in Wakiilada wadamada Somaliland doorashada ka taageera ay kula kulmayaan Nairobi.

“Arin qaran baanu u baxaynaa,arintaas qaran waxa weeye, inaanu Qaadhaan bixiyeyaasha la kulano oo kala hadalo barnaamijka Dimuquraadiyadaynta Somaliland iyo doorashooyinka iyo waxyaabihii kale ee Somaliland khuseeya.waa safar gaaban oo 4 cisho qaadanaya,, waxaanuna u baxaynaa danaha Somaliland” ayuu yidhi Mr Cirro.

Dhanka kalena Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo iska duwaya Eedaymo Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi Jeediyeen oo ku saabsan dib u dhigida Doorashada in Waddani ku lug leeyahay waxa uu yidhi “horta hawsha aanu u soconay wataas aan sheegay laakiin, waxaad moodaa inaanay saddexdayada gudoomiye wada socon oo malaha gaar bay u wada socdeen Ninka Muuse la yidhaa iyo Faysal.

Laba Arimood ayaa la soo qaaday oo mid waa Komishanka oo loo soo gudbiyay Baarlamaanka laakiin Dhukumentigoodii(CV-ga iyo Waraaqaha dambi la’aanta)wali waxay ku maqan yihiin Madaxtooyada.daahidu xagga baarlamaanka kamay iman ee waxay ka timid xagga xukumadda.

Xeerka waxa jira Hanaan baarlamaanku u wada shaqeeyo, Baarlamaankuna wax wuu isku celcelin karaan, waxayna ila tahay dariiqa labada gole kuwada shaqeeyaan buu Xeerku ku dhamaanayaa. Guurtidu xeerka way soo celisay sabab kasta ha ahaadee ama Xukumaddu ha u sheegto ama iyaguba iskood ha u soo celiyaane, anaguna waanu ku celinay anagoo Dastuurka raacayna waxaanan ku kalsoonahay in Xeerku ku dhamaanayo hanaanka wada shaqayneed ee labada Gole” ayuu yidhi Mr Cabdiraxmaan Cirro.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here