Hogaamiyeyaasha Cimiladda Adduunka Oo Shir Uga Furmay Magaaladda Madrid

0
272

Madrid (HP): Wasiirrada Tamarta iyo hogaamiyeyaasha cimiladda ee adduunka ayaa maanta shir uga furmay magaalada Madrid, ee dalka Spain.

Shirkan ayaa gogol xaadh u ah ka hor shirweynaha COP28 ee lagaga tashanayo isbedelka cimiladda ee bisha September soo socota ee sanadkan qabsoomi doona.

Wasiirka Tamarta ee Spain Teresa Ribera, oo furtay shirkaasi ayaa ka digtay in wada-hadalada shirweynaha cimiladda ee COP28 ay noqon doonaan kuwo wajaha caqabado hor leh.

Iyadoo soo jeedisay samaynta isbahaysi caalami ah oo lagu taageerayo gaadhista bartil-maameedkii Paris ee sanadkii 2015-ka, ee ahaa in kullaylka caalamiga ah lagu xadido 1.5 Celsius.

Geesta kale shir madaxeedka COP28 oo la qorshaynayo inuu ka dhaco Dubai, dabayaaqada bisha November ee sanadkan 2023-ka ayaa loo arkaa fursad muhiim ah oo ay dawladuhu ku dadajin karaan tallaabooyinka lagu xaddidayo kullaylka adduunka.

Iyada oo ay jiraan warbixino ilaa hadda muujinaya in wadamadu ay ka fog yihiin in ay ka soo baxaan ballan-qaadyada lagu xaddidayo kor u kaca heerkulka adduunka si loo gaadhsiiyo 1.5C.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here