HIRDAN DHEER & HORYAALNIMO: Labo Is Huwan, Balse Kala Horreeya Qaybtii 1-aad. Qalinkii: Jamal A. Muse

0
1785
Aqoonyahan Jamal A. Muse

“Gorfeynta & Falanqeynta  Jaranjarada Horyaalnimada, Jidkii Hirdanka Dheer, Xuska Habeenkii Gunnaanadka Dharaarihii Camuud, Halloosigii Shalay  Iyo Heerka Hanka Xulashada Maanta”

Hordhac: Marka hore aan idinku salaamo salaanta Islaamka, Ka gadaal salaantaa aan isku dayo iftiiminta kalmaddaha sare ku xusan ee cinwaanka u ah qormadan oo kala ah “Hirdan iyo Horyaal”.

Hirdan: Waa loolan, tartan, baratan iwm, Dabcan nolosha aadmigu waxay qurux iyo qaayo quman leedahay marka ay loolan adag la gasho hadhaaga iyo fadhiidnimada, taasi ayaa kuu horseedi karta hanaan nololeed wanaagsan. Halka hirdan-dheer uu yahay joogteynta loolanka amma tartanka halganka aqoon korodhsiga iyo maareynta mareegaha nolosha. Balse hirdanku waa inuu dhawraa Xadhiga & Lingaxa Diinta, Milgaha & Maamuuska Qofnimada, Dhaqan-samaanta, Dhag-samaanta, iyo Dhismaha qaranka & Jiritaanka Ummadda.

Horyaal: Waa kaalin-gal, haldoor, hormood, labbeen, hoggaamiye iwm, runtii  marka aad joogteyso hirdanka amma loolanka kor u qaadida aqoontaada, dedaal dheer ka dib, waxaad dhaxli doonta aqoon ku anfacda berrito. Sidaa awgeed dardar-galinta iyo raadinta koboca aqoontu waa waxa ugu mudan in wakhti iyo dedaal badan loo huro. Waayo odhaah Soomaaliyeed oo hadda sugnaantii iyo hab-dhicii dhigaalkeedu ka maqan yahay xusuusta maankayga ayuu dhadhanka macnaheedu ahaa  “Talo Xumo Guur Tolay Badan Ma leh”. Mar haday sidaa tahay, si daarta sugan iyo dhadhanka axadhka macaan ee murtidu sheegayso  ayaa ah in haddii xulashada haasaawaha iyo ka boggashada hab raaca hanaanka  guurku kuu sugnaan waydo, hadana guurku marna  ma leh khasaare. Waayo waa nolol abuur, deganaan iyo wadda jir lammaane is jecel.  Sidaa si la mid ah aqoontu waa shay aan marna lagu khasaarin, balse waa furaha fahanka nolosha iyo yagleelida qofnimo toggan oo isku kalsoon, una qaan-gaadha horyaalnimo iyo haldoornimo ummadeed, taasi ayaa lagu gaadhi karaa kaliya ogolaanshaha allaah iyo hirdan dheer oo huwan aragti u dareemaysa baahida aqoonta, han iyo hiigsi kaa fogeeya fikirka gurracan iyo cadawga jaahilnimada.

Nasasho gaaban: Waa qodob ku jiray xiisaddii gunnaanadka u aheyd geeddigii waxbarasho ee Jaamicadda Camuud oo aniga iyo kooxdii aannu muddada dheer jaalka ku aheyn tacliintu ku soo afmeernay “Xidhnay” bandhig /tabin wadareed “Group presentation” , kaasi oo uu noo diray Prof: Jamaal Xasan Yuusuf. Waxay aheyd maaddada ka hadasha xirfada wadda xidhiidhka aadamaha, siiba waxay aad u khusaysey dhinaca xirfada wadda xidhiidhka xirfadlaha caafimaadka iyo bukaanka  “Communication skills”,  halka guud ahaan kooxdii habeenkaa bandhig/ tabin waddareedka soo diyaarisay ka koobnaayeen 6 arday, kuwaasi  oo magacyadooddu kala ahaayeen:

  1. Mohamed Abdi Ahmed.
  2. Mohamed sh. Hussein.
  3. Mahad Omar Dhawal.
  4. Laila Hassan Abdalle.
  5. Kowsar Abdurrahman Mohamed.
  6. Jamal Abdi Muse.

Hadaba, marka aynu ka shidaal qaadanno ku beegnaan wakhtigan xaadirka ah “Hadda”, run ahaantii tagtada goortu aad uma sii fogga, waayo waxay aheyd sannadkii 2014-kii bishii June horraanteedii, taasi ku beegneyd xili uu kaabiga nagu soo hayay imtixaankii qalinsidka “Qalinjabinta” oo loo yaqaanno “OSCE/OSPE”, sidaa awgeed waxaannu aad iyo aad ugu hawlanneyn diyaar-garow xooggan oo uu weheliyay walaac iyo walbahaar badan oo ku aadan filashada cuddan ee berito guul & guuldaro midkay noqon doonto.

Hayeeshee, aniga iyo kooxdaydiiba, rajo kalsooni badan ayaannu ka qabnay filashada  timaaddada & samaatada gooraha dihin, anaga oo maanka ku haynay gaadhida guul waddareed la wadda mahadiyo oo ayna ciddi nagaga hadhin “Naga dhicin” ruufadka iyo dhiidhida imtixaanka, si looga wadda qayb-galo “Xaadirro” farxadda, hambalyadda, rayn-raynta iyo fantasiyaha xafladda qalinsidka “Qalinjabinta”  jaamacadda, oo madasha mug-weynta ah garbo siman isku taagno, kuna wadda gaardino jubadda  madaw iyo koofiyada afar geesta ah, ka dibna Allaah noo wadda fuddudeyn doono:

  • Hannaanka addeegga ummadda iyo hawlgalka shaqo helida.
  • Ka dhabeynta filashada iyo  buuxinta kaalinta aqoonyahannimo.
  • Xoojinta iskaashigii iyo wadda jirkii sooyaalkii ardaynimo.
  • Sii adkeynta hirdanka & hirgalinta hayaanka aqoonta.

Diirada foggaan aragga: Aniga oo ahaa shaqsigii loo igmaday soo jeedintii bandhig/tabin waddareedka “Group Presentation”, waxaa ii muuqatay mar haddii waayihii ardaynimada diyaarinta shahaadada koowaad  dhawaan lagu kala tagi doono in baahi wayn loo qabo dardaaran iyo tilmaamo sugan oo wax ku ool ah si loo helo:

  • Xurmeynta & xaq-dhawrka waalidka.
  • Niyad samaan iyo qorshe lagu hawl galo mustaqbalka dhaw.
  • Iskaashi & wax wadda qabsi aqoon & falsafad ku dhisan.
  • Xoojinta wadda jirka & walaaltinimada ardaydii & aqoonyahanka maanta.
  • Xuska & xusuusta abaalka bareyaasha Jaamacadda Camuud.
  • Xuska & xusuusta abaalka madaxda jaamicadda Camuud.
  • Sharfida iyo qadarinta dadwaynaha gobta ah ee reer Borama oo ardayda goballada ka timid iyo guud ahaan ardaydaba si gobannimo ah ula dhaqma una soo dhaweeya.

Dulucdii bandhiga: Akhristeyaal markii aan si dhugmo-san u dhageystey fariintii waayaha dheer iyo  warkii diirada foggaan aragga ee ahaa in baahi wayn loo qabo wax wadda qabsi guud, iskaashi, aqoon korodhsi, karti shaqo, awood, han-sare, halloosi fog, geesinnimo & hiigsiga geediga horyaalnimada. waxaan bandhig waddareedkii qiimaha badnaa ku soo qaatey qodobo muhiim ahaa oo halyeys iyo duug-reeb wacan reebay xiliyo hore. Waxay dhammaantood-ba ka hadlayeen ahmiyadda tacliinta iyo horyaalnimada qofka. Dabcan kumay jirin mawduucii la noo diray, balse waxay aheyd fariin hubaashii aad &  aad waayaha nolosha ugu  habbooneyd, sidaa awgeed qodobkan waxaan ugu wanqalay Nasasho gaaban. Maxaa yeelay, wuxuu ahaa qodob ujeed fog huwan oo nasashada nafta & dhiirigalinta maanka ku darsaday duluc foggaan iyo sheed ka arag xambaarsan fariimo suugaan ku dhigan oo dhadhan macaan & dheef sugan leh. Runtii arrintaasi waxay aheyd mid aad iyo aad noogu muhiim ah, maadama oo aannu ka soo kala jeednay gobolo badan oo ka mid ah/ahaa dalkii Somalia la odhan jiray. Dhanka kale qodobka Nasasho gaaban waxa sawir fiican u yeelay maaddada oo ka hadlaysay culuumta  xirfada wadda xidhiidhka aadamaha, gaar ahaan xidhiidhka xirfadlaha caafimaadka iyo bukaankiisa, taasi oo afka qalad loogu yeedho  “Communication skills”.    Sidoo kale waxaa xusid mudan oo ay tahay in meeqaamka sare la siiyo waynida kaalinta  suugaanta Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay wadda xidhiidhka ummadda Soomaaliyeed, waayo waxay aheyd laf-dhabartii xirfada wadda xidhiidhka dadka Soomaaliyeed oo ah/ahaa Suugaanta. Hadaba, xuska & xigashada Suugaantii habeenkii Nasasho gaaban,  waxaan ka soo xigtay suugaan ay tiriyeen abwaanno waawayn oo  tiir-dhexaad u ah/ahaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, oo ka hadlay sifaha kor u qaadida & dhiirigalinta qofnimada  hagaagsan oo laga waraabiyo ceelka aragtida hagaagsan, oo la huwiyo hirdan dheer iyo dedaal badan oo tacliimeed. Halabuurka caan baxay waa badwayn oo lagama dabaalan karee, waxaan curintoodii wax ka soo xigtay:

  1. Abwaan: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” Allaah haw naxariisto.
  2. Abwaan: Xasan Sheekh Muumin Gorod, Allaah haw naxariisto.
  3. Abwaan: Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”.

Dhanka kale waxaan soo xigtay suugaan uu mulkiyada halabuurkeeda lahaa wiil ka mid ah dhalinyaradda dalka  JSL  waa aqoonyahan Maxamed Cabdinaasir  oo xiligaa ahaa arday dhigta jaamacadda Camuud, kuliyadda caafimaadka oo tiriyay maanso dhiirigalineysa waxbarashadda iyo  aniga oo ah Jamal Abdi  Muse oo aragtidayda ku cabbiray sheegmo suugaanneed cuddan. Hadaba ku soo dhawaada dulucda, miidda, gaaxda & madaxda suugaanta darayga ah oo si habboon iila dhugta murtida gaaxsan & macnaha daahan ee daaha dabayaal, oo duxda, dhuuxa & dheecaanka tabinteeda ka soo dhambasha ama ka soo dheegta tusaaleyaashan suugaanneed. Hadda aan halkan salaan mug & miisaan leh uga tabiyo walaalihii aannu muddada dheer jaalka ku aheyn tacliinta, oo hadda ku kala sugan daafaha dhulwaynaha Somalida, iyaga oo hadh iyo habeen heeggan u ah bixinta daryeelka addeegyada caafimaadka, waxaanan leeyahay idinka iyo anigaba Allaah  ha innagu asturo mas’uuliyadda culus, oo ha innaga yeelo kuwo anfacaad u yeesha nafahooda, qoysaskooda iyo ummadda Soomaliyeed-ba. .…………. La soco qayb kale oo xiiso badan.

By: Jamal A. Muse

dankaabo@hotmail.co.uk/hirdandheer@gmail.com

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here