Hay’adda ICRC oo Jeelka Ku Booqatay Maxaabiistii Lagu Soo-qabtay Dagaalkii Laascaanood

0
1414

Hargeysa (HargeisaPress)- Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay in maxaabiista ku jira jeelka Hargeysa loola dhaqmay si waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga ah.

Wasaaradda Caddaaladda ayaa caddeysay inay maanta 15 March 2023 u fududaysay socdaal ay Guddida Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ku tageen Jeelka Hargeysa, halkaas oo ay ku booqdeen maxaabiistii lagu soo qabtay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Laascaanood.

Qoraal lagu baahiyey barta rasmiga ah ee Twitter-ka ee Telefishanka Qaranka, ayaa lagu sheegay in xukuumadda Somaliland caddaynayso in dhammaan maxaabiista loola dhaqmay si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ahba.

Waxaanay uga faa’iidaysanaysaa fursaddan inay caddayso inay ixtiraamayso xuquuqal insaanka, sida lagu sheegay qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here