Saylici oo Golaha Wakiillada Ka Dalbaday Arrin Ka Dhana Cabdirisaaq Khaliif

0
2149
Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil Saylici

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa eedaymo culus u jeediyay Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Madaxweyne ku xigeenka, ayaa waxaa uu sheegay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ka baxay xayndaabkii Somaliland.

Waxaa uu Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, ku eedeeyay in uu ku kacay fal ka dhan ah jiritaanka Somaliland kadib markii uu taageeray go’aamadii ay soo saareen Garaadada magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif uu taageeray Guddiga Garaadada ee 33-ka ah oo uu sheegay in aanay cidna dooran, isla markaana uu hoos tagay calanka buluuga ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in laga rabay in uu isagu wax saxo ee aanu raacin.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici, ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada u soo jeediyay inay ka qaadaan tallaabo ku habboon Guddoomiyahooda, maaddaama oo uu ka horyimi Qaranka uu u dhaartay.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay in uu ciidanka been ka sheegay “Waxa uu sameeyay hadalo ku dar dar ah oo ciidanka Somaliland ah, oo uu yidhi ciidamadu rag bay guryo kala baxeen, iyo dad ayay gaadhiyo kala hadheen oo ay laayeen, waxan leeyahay waa eedayn looga fadhiyo caddaynteeda”.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo dhawaan warbaahin kula hadlay Laascaanood, ayaa sheegay in uu taageersanyahay go’aamadii ay soo saareen Garaadadu, isaga oo ciidamada Qaranka Somaliland ku eedeeyay in ay duqayn ka gaysteen gobolka Sool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here