Hayaankii Qurbe Iyo Hagardaamadii Xiggtay W/Q:NIMCAAN CADAANI HUSIEN

0
1152

In loo tacabbiro Qaarada ilaa Qaarad  waa arrin aad iyo aad uu adag dhibteeda iyo dheeftedan leh.Waxa mudoo imka laga joogo ilaa lab Qarrni  dunidan aynu ku noolahay ka jirrtay in dadka qaar ay ka hayaaman dhulkoodi ayy deegan ahaan ka soo jeedeen iyagoo uu hayaamay qaardo kale oo dunidan aynu ku noolanahy ka midd ah iyagoo ka doorbiday toodi ayy asal ahaan ka soo jeedin.

 

Arrinatan oo in muddo ah soo jiitamaysay ayaa keenaty qassare mood iyo noolab ah oo saameyntiisa leh, haddab mudadii somalidu bilowday tacabirka ama tahriibta oo lagu qiyaaso muddo qarrani ah ilaa labo qarrani ku dhowaad taaso intay ka tacbirran Geeska Africa ilaa Qaarada Asiya meelo baddan oo ka midd ah hawgu horeeyan Yeman magaaloyin ka midda ah sida CADAN TICIS SANCA iyo weliba CIRAAQ ,KUWIET, SUCUUDI CARABIYA iyo dalalka laysku yidhaa IMAARADKA CARABT. Iyagoo raadinya nolol ka gedisan nolsha ayya markaa ku suggnayen ee reer guuranimad iyo xoolo dhaqashada.

 

Haddaba waxa arrinkaa laga dhaxlay in dadkii jiilba jiil uu ka dhaxlo oo ay noqatay arrin caado ka dhex noqatay bulshooyin farro baddan oo dunida daafaheeda ku kal dhaqan, arrinta layaabka ah waxa weeye inay dadkii  uu taccabiran ama uu tahriiban shanta qaaradood ee aduunku ka koobanayhay iyagoo marray jiddad dhaadher oo khatrartood leh.

 

Midda ugu hadal haynta badani waa ta dhalinyaro hooyoyin, caruur iyo weliba noocayda kala duwan ee bulashdu ka koobanatahy iyagoo loo kala hadhin ayy uu qaxeen ama uu hayameen qaarda yurub iyagoo sii maray jidad kal duwan.

 

Meelaha ayy marayaan ee xusida mudan waxa ka midda ah turki ilaa Giriig (greec) iyo weliba dalal Africa ka midda ah sidda Ethiopia Sudan ilaa Libya.

 

Haddaba waxaa markhaati ma doonto ah in bulsho farro badni ay Nafhoodi Iyo maalkoodi  ku waayeen jiddka dheer ee saxriirka rafaadka kuleykala iyo weliba geerida  leh taasa waxa hareer socota in khasre maal oo aan halkan lagu soo koobi karrin lagu bixinyo iyadoo meelo kala duwan looga keenyo qofka mabbda tahriibta qaatay isla markaan ku dhaqaaqay.

 

Waxa hadeer soo koradhay dagaalo ka socda beriga dhex iyo meelo ka midda ah dunida dacledeed kuwaaso oo barro kiciyay tirro ama xaddi ka baddan intii qaxooti ee dalalka horumaray ay qaabili jireen Taso oo hoos uu dhigaty rajjadii ayy qabeen dadakan raadinay nolol geddiska ee taccbirka ku jirra.

 

Tii ugu danbeysa ayaa la odhan karra waxa weeye werarkii lagu qaaday goobo ka midda ah magaalda paris ee cariga faransiiska,halkaas oo khasaare naf iyo maalba ah lagu gaadhsiiyey muwadiinin faransiis ah isla markaana keenatay in islaam nacaybkii ka jiri jiraya meelo ka midd ah qaarada yurub uu kor uu sii kaco arrinkii soo Galootiguna uu noqdo hal bacaad lagu lisay iyo weliba rajjadii tahriibaysha oo hoos uu dhacada iyagoo noqday dad bilaa filsho ah ama bilaa rajjo ah.

 

Iyadoo saameyan muuqata iyo midd qarasoonba ku yeelatay dadkii safarka dheer soo gallay intoodii ka baddbaday geerida aya la soo deristo warwar iyo walaac ay ka qabaan qoomiyadah ayy dhulkoodi ugu tageen kuwooda isir nacybaka ku talax tagay.

Saameynta muuqata waxa ka midda ah in masajiddo muslimiintu ku cibaadaytan oo ku yaal wadamda Germarlka iyo weliba Sweden la gubbey iyo arrin badeedh dilal isdab joog ah oo ka dhacayay dalal farro baddan oo yurub ka midda ah iyo qaarada Africa qaarkood .

 

Haddab waxa laga dhaxalay saffardii dhaadheera ee tahriibta khassare sidda kufsi dilal iyo weliba qalbi jabba ku yimi dadkii jidkaas  marray.

 

Inta khasare Mood iyo nool labdab ka kulanatay ayy aad uu badanatahay

Waxaan Qoraalkaygan ku soo gunnanaday in bulshadu ayy ka digtoonato iyadoo somaliland ka noqatay masiibo Qarran oo ilaa heer maamulku la tacaalay balse aanay waxa la taaban karro ka soo bixin in lag digtoonado meela looga soo waddo jeesto sidii loo tirtii lahaa dhaqankaa foosha xun.

 

 

 W/Q:NIMCAAN CADAANI HUSIEN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here