Haweeney Afrikaan ah oo Markii ugu horeysay Taariikhda Noqonaysa Xog-hayaha Guud ee FIFA

0
893

MÉXICO, (HargeisaPress) —Gudiga Kubadda Cagta ee FIFA ayaa u magacaabay Fatma Samba Diouf Samoura oo u dhalatay Waddanka Senegal in ay noqotay Xoghayaha guud ee Ururkaas.

 

Fatma Samoura oo muddo 21 sano ah kasoo shaqeysay Qaramada Midoobay, iyadoo hadda ahayd isku-xiraha arrimaha bani’aadamnimada iyo wakiilka UNDP u jooga Nigeria.

 

Magacaabisteedan ayuu madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino kaga dhawaaqay Kulankii 66-aad ee Xidhiidhka FIFA, kaasoo lagu qabtay Magaalada Mexico City ee xarunta Wadanka Mexico.

 

Sida Qaynuunka FIFA yahay, waxaa la hubin doonaa sida ay ugu haboon tahay xilkaasi oo ay sameynayaan guddi madax banaan.

 

Fatma Samoura, ayaa hawsheedan billaabi doonta bartamaha June. Madaxweyne Infantino, ayaa ammaanay qibradeeda shaqo, isagoo sheegay in qibradeedu ay wax ku kordhindoonta kooxda hoggaanka FIFA.

 

Ugu dambeyn, Haweeneydan Afrikaanka ah ayaa ku qaadatay Shahaadada Masterka afafka Ingiriiska iyo Spanishka Jaamacadda Lyon iyo xidhiidhka caalamiga iyo kan ganacsiga waxay ka qaadatay machadka IECS.

 

El anuncio se hizo durante el 66º congreso de la FIFA en la Ciudad de México.

“Fatma es una mujer con experiencia y visión internacional que ha trabajado en algunos de los aspectos más desafiantes de nuestro tiempo”, dijo Infantino. “Ella tiene una capacidad demostrada para construir y dirigir equipos, y mejorar la forma en que las organizaciones trabajan. Es importante destacar que para la FIFA, ella también entiende que la transparencia y la rendición de cuentas son el corazón de cualquier bien dirigido y responsable “.

Infantino exaltó la integridad de la Samoura y dijo que el consejo estaba particularmente impresionado con su experiencia operativa, así como su experiencia en la gestión y el trabajo en entornos multiculturales. “Es esencial para la Fifa para incorporar nuevas perspectivas a medida que seguimos para restaurar y reconstruir nuestra organización”.

Según lo dispuesto en los estatutos de la FIFA, Samoura se someterá a un control de admisión administrada por el comité de revisión independiente, por el artículo 37 de los Estatutos de la FIFA.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here