Haweenay Samaysay Barnaamij Telefoon oo Lagu Quudinayo Darbi-jiif Gaadhaya Ilaa 600 Kun Qof

0
2276

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gabadh u dhalatay magaalada California ee dalka Maraykanka, ayaa ikhtiracday barnaamij (app) telefoonka ah, taasoo ay ku caawisay 600,000 (lix boqol oo kun) qof oo darbi-jiif ah, kadib markii ay dareentay dhibaato cunto la’aaneed oo dadkaas haysata.

Haweenaydan 25 jirka ah ayaa muddo saddex sanno ah ka hor fikradan ku dhalatay, waqtigaas oo ay arday ka ahayd Jaamacadda University of California, kadib markii iyadoo iska lugaynaysa uu nin darbi-jiif ah ka baryey in ay lacag siiso si uu cunto ugu iibsado.

Gabadhan dhallinyarada ah oo la yidhaa Komal Axmed, ayaa ninkaas ku casuunay qado, kadib markii uu cunayna uu uga sheekeeyey dhacdo maskaxdeeda xannuun ku reebtay, sababtoo ah waxa uu uga warramay inuu ka mid ahaa askartii loo qaaday dagaalka Ciraaq, markii uu ka soo noqdayna noloshu ku adkaatay.

Waxa kaloo gabadhan sheegtay in arrintan maskaxdeeda saamayn ku yeelatay, jaamacadda dhexdeedana ay ka bilawday olole ay dadka darbi-jiifka ah ee degaankeeda ku nool lagu cashaysiinayo, iyadoo jaamacaduna hoolkeeda ugu deeqday, waxaanay barnaamijkaas markii ugu horraysayba uu noqday mid hirgalay, waxaana kala qaybqaatay 140 arday oo ay asaxaab ahaayeen, kuwaasoo jaamacadaha Maraykanka oo dhan ka bilaabay ololahan.

Haweenaydan oo waqtigan noqotay agaasimaha urur la yidhaa Feeding Forwad oo dadka darbi-jiifka ah quudiya, ayaa u sheegtay wargeyska New York’s daily news oo HargeisaPress soo xigtay inay waqtigan cunto u hesho dadka, “Gaajado aad bay u xun tahay, meel kastana way saamaysay, laakiin Maraykanka oo ah meelaha ugu qanisan ee shirkadaha waaweyn ku yalaan ma jirto inta badan,” ayey tidhi haweenaydan samafalaha ah.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY