Haweenay Lagu Tuhmayo Qaraxii Istanbul oo La Xidhay

0
610

Istanbul (Hargeisa Press) – Dowladda Turkiga, ayaa maanta ku eedeysay haweeney u dhalatay dalka Syria inay talaashay qaraxii lixda qof ku dilay magaalada Istanbul Axaddii, iyada oo ku eedeysay kooxda Kurdish-ka ee PKK inay fulisay weerarka.

Laba gabdhood oo da’doodu aheyd sagaal iyo 15 jir, ayaa ka mid ahaa dadka lagu dilay qaraxa oo ka dhacay waddada Istiklal Avenue. In ka badan 80 qof oo kale ayaa lagu dhaawacay.

“Qofka talaalay bamka waa la xidhay,” ayuu wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu ku yidhi bayaan uu soo saaray oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency.

“Sida ay muujinayaan xogaha aan helnay, ururka argagixisada ee PKK ayaa ka mas’uul ah,” ayuu yidhi Soylu.

PKK, oo ah urur argagixiso oo liiska madow ay ku dareen Ankara iyo xulufadeeda Reer Galbeedka, ayaa muqaawamo dhimasho leh ka wadday gobolka iyidhiisku maamul ee Kurdish-ka ee koonfurta bari ee Turkiga tan iyo sideetamaadkii.

Booliska, oo uu soo xigtay taleefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV, ayaa sheegay in qofka ugu weyn ee la tuhunsan yahay ay tahay haweeney Suuriyaan ah oo u shaqeysa mintidiinta Kurdish-ka. Waxaa guud ahaan la xidhay 46 qof, sida ay booliska sheegeen.

Muuqaallo ay booliska la wadaageen warbaahinta Turkiga, ayaa muujinaya haweeney da’ yar oo xidhan funaanad midab buluug-guduud ah oo booliska ay ku xidhayaan dhisme ku yaalla Istanbul.

Booliska, oo ay soo xigteen NTV, ayaa magaceeda ku sheegay Alham Albashir, waxayna sheegeen in abaare 02:50 am lagu xidhay duleedka Istanbul. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay inay tababareen sirdoonka PKK.

Taleefishinka NTV, ayaa sidoo kale muujiyey muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka ammaanka oo muujinaya haweeneyd xidhan surwaal iyo khamaar madow oo ka carareysa goobta qaraxa.

Wasiirka cadaaladda Bekir Bozdag, ayaa taleefishinka A Haber u sheegay in haweeneyd ay 40 daqiiqo fadhisay goobta, “kadibna istaagtay”, iyada oo ka tagtay bac.

“Hal ama laba daqiiqo kadib, waxaa dhacay qaraxa,” ayuu yidhi.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here