Hargeysa: Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE oo isu soo baxyo dhul-gariira muujiyey

0
1186

Hargeysa (Hargeisa Press)- Kumannaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ay saaka isu soo bixii abid ugu ballaadhnaa ka sameeyeen beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa.

Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, ayaa waxaa isu soo baxyada debaal-dega kala qaybgalay Madaxweynaha Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi.

Kumannaan iyo kumannaan ka tirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa, oo ku lebbisan astaamaha xisbiga, islamarkaana xamaasad iyo xiiso gaar ahi ka muuqdo, ayaa goor hore oo saaka ahba soo buux-dhaafiyey fagaaraha beerta xorriyadda, waxana kala qaybgalay madaxweynaha qaranka, ahna murrashaxa jagada madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi, xildhibaanno, wasiirro, madax-dhaqameed, hoggaanka ololaha xisbiga u qaabilsan gobolka Maroodi-jeex, haween iyo haldoor kale.

Xubno ka mid ah madaxda ololaha u qaabilsan xisbiga KULMIYE, badhasaabka gobolka, maayar-ku-xigeenka caasimadda iyo haldoor kale oo halkaas ka hadlay, ayaa si mug iyo miisaan leh ugaga mahadnaqay taageerayaasha KULMIYE ee gaadhay heer ay beerta xorriyaddu qaadi kari weydo.

Waxana ay ugu baaqeen inay codkooda ku hubsadaan maalinta la codaynayo oo heegan buuxa ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here